Xukuumadda oo ku guulaysatay inay kala daadiso abaabulka Shirka Beesha Habar Yoonis
Hargeysa, 02, June (SDN)- Xukuumadda oo ku guulasatay inay kala daadiso shir ay abaabulaysay beesha Habar Yoonis, kuwaasoo dhawaan u hawlgalay sidii ay u qabsan lahaayeen shir, balse masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira beeshaas ayaa si dadban iyaguna uga hawlgalay inay kala daadiyaan shirkaas, taasoo hadda u muuqata inay hirgeshay.
Xubno ka tirsan waxgaradka iyo odayaasha beesha Habar Yoonis ayaa todobaadadii hore shaaciyay inay beesha Habar Yoonis qabsanayso shir ay kaga tashanayaan aayahooda reer ahaaneed, isla markaana waxa arrintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo warbaahintu wax ka waydiisay inuu jiro shirkaas iyo inay Xukuumad ahaan is hortaageen.
Sidoo kale, odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Habar Yoonis ayay Xukuumadda xabsiga u taxaabtay.
Dhinaca kale, salaadiin ka soo jeeda Beeshaas oo ay Xukuumadda dabada ka riixayso ayaa maanta muddeeyay shir wayne ay beeshu isugu iman doonto dabayaaqada sannadkan.
SDN, Hargeisa