Xukuumadda Oo Isku Koobtay Xuska Qaran Ee 18-ka May iyo Mucaaridka Oo Looga Dhaartay Madalaha La Isku Arko
Hargeysa:May,20,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa munaasibadda 18-ka May ka dhigtay mid iyada Gaar u ah, isla-markaana Meesha ka Saartay Doorkii Mucaaridka iyo Ururrada kale ee Bulshadu ku lahaayeen Maalinta Gebi ahaanba shacabka reer Somaliland ka wada Dhaxaysa.
Xukuumadda ayaa si cad oo muuqaga iskugu koobtay Goob kasta oo xuska Maalintani ka dhacayo, iyadoo Cidda Hadlaysa iyo Cidda la casuumayo-ba ka dhigtay xubno ku abrtirsada iyada.
Laga Soo Bilaabo Xuskii Weynaa ee Lagu qabtay Barxadda Hore ee Xarunta Madaxtooyada iyo ilaa Kuwii la midka ahaa Ee Gobolada iyo Degmooyinka ka dhacayey, waxa lagu koobay kaliya xubno xukuumadda ka tirsan ama meel uun ka soogala, iyadoo la diiday xubnaha Mucaaridka ahi inay Kalmadoodda ka yidhaahdaan amaba ka soo qayb galaan.
Arrintaas ayaa dareen kale gelisay qaybo kamid ah Shacabka reer Somaliland, iyadoo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maalintii shalay Munaasibad gaar ah ku qabsadeen Magaalada Burco, iyagoo Halkaas Hambalyo ugu diray Shacabka reer Somaliland.
Xisbiga Ucid ayuu Xog-hayahooda Ku-xeel-gaadhka ahi ka dhex muuqday Munaasibaddii weynayd ee Barxadda Madaxtooyada Horteeda lagu qabtay, balse Waddani meelihii Munaasibadaha xukuumaddu qaban-qaabinaysay ka socdeen laguma arag, iyagoo ku andacoonayey inaan la soo casuumin, isla-markaana aanay xukuumaddu Ogolayn inay Kelmadoodda siiso.
Sida muuqata Xukuumadda ayaa xataa Munaasibaddan 18-Ka Mayn u aragta Fursad ay ku ololaysan karto, maadaama oo uu madaxweyne Siilaanyo Musharax yahay, iyadoo taas darteedna diiddan in mucaaridkeeda loo dhiibo microfoonada si aanay uga carsho-carshayn Badhaadhaha ay bulshada u sheegayaan.
Marka la eego dhammaan munaasibadihii kale ee Dalka Gudihiisa ka dhacay, wali lama Hayo Meel Mucaaridku ka Hadleen, iyadoo sida la sheegayo inay Tahay talo Guud oo xukuumadda ka soo baxday, taas oo Mucaaridka lagaga Hor istaagayo inay Hadallo ka so jeediyaan Goobahaas Xukuumaddu shacabka kala hadlayso.
Inta badan mucaaridka ayaa sheegaya inaan la ogolayn in Goobihii Guud ee la iskugu iman jirey in xukuumaddu munaasibadaha caynkan oo kale ah u qabato, iyadoo meelo gaar ah ku qabnaysa, isla-markaana karantiimo ku xidhaysa mucaaridka dalka ka jira.
Inta badan xukuumadihii hore ee Somaliland soo maray, waxa dhici jirtey in mucaaridkii xilligaas jirey oo uu Kulmiye ugu weynaa Doorkiisa ka qaadan jirey, isla-markaana Maalmaha noocan oo kale ah iyadoo la isku duuban yahay Hambalyada iyo Tahniyadaha la wadaagi jirey, balse Haatan taasi waji kale ayey xukuumaddu u yaashay.
Cabashada mucaaridka ayaa salka ku Haysa in maalmihii qaranka lagagla tashan waayey, isla-markaana si Badheedh ah loo afuubtay Xuska ayaamaha qaran oo iyaga laftoodu door Muuqda ku leeyihiin.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com