Xukuumadda oo Dagaal Ku Bilowday Xisbiga WADDANI,Akhri: Warbaahinta Xukuumadda oo Qortay: WADDANI Ma Waxa Uu Noqday Ilmihii Agnaanka ahaa Ee Ku Tiraabay Waxaan Laaqiga ahayn?
Hargeysa Mar 21,2013(SDN)-Xisbiga WADDANI oo ah guri dambayska xisbiyadda Somaliland oo mudadii uu jiray ay tahay hal sano oo kaliya, waxa uu saaxada siyaasadda ku soo galay oo uu dhaqan ka dhigtay qunyar socodnimo siyaasadeed iyo deganaansho ay ku tanaadeen, isla markaana ku dhaafeen shantii urur siyaasadeed ee cusbaa ee ka qeyb galay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay dabo-yaaqadii kal-hore.
Bisaylkaasi siyaasadeed ee xisbigan lagu bartay mudadii uu jiray waxay ahayd, himiladii u suurto-gelisay inay noqdaan ururkii kaalinta labaad ka galay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee ay ka dhasheen sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.
Xisbiga WADDANI xiligii uu ururka ahaa fur-furnaanshihii iyo bisaylkoodii siyaasadeed ee la shir yimaadeen, waxa ka dhashay dareeno ay faafiyeen ururadii ay tartamayeen oo ahaa inay u jan-jeedhaan dhinaca xukuumadda oo ay gacan saar dhow leeyihiin, arrintaasi waxay fure u noqotay in ururkaasi uu kasbado dadweyne badan oo u arkayay urur istaahila inuu isu bedelo xisbi mucaarid oo qunyar socod ah oo mucaaridadiisu wax dhisayso.
Tan iyo markii Ururka WADDANI shahaadadii xisbinimo gacanta laga geliyay, waxa jiray in dadweyne badani ay u soo jeedin jireen inuu noqdo xisbi mucaarid ah oo saaxada siyaasadda ka ciyaara doorkiisa mucaaridnimo. Nasiib darose’ waxa Xisbiga WADDANI la mid noqday ilmihii agnaanka ahaa ee Hooyadii u ALLE bariday inuu uga hadashiiyo ee ku tiraabay wax aan laaqiga ahayn.
Waxaan uga socdaa sheekadaasi xisbiga WADDANI waxa uu mucaaridnimaddu dar-jiidh siisay inuu ka hor yimaado rabitaanka qaranimadda Somaliland, ka dib markii Afhayeenka Xisbigaasi Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa uu dhawr jeer labadii todobaad ee u dambeeyay uu xukuumadda ku canaantay qaadacaada uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo qaadacay inuu ka qeyb galo shirka Bisha May ee fooda inagu soo haysa lagu wado In lagu qabto Ingiriiska oo sida la soo wariyay aanay Somaliland ugu jirin wax maslaxad ahi, balse uu shirkaasi yahay mid dhaqaale caalamka loo waydiinayo dalka guul daraystay ee Soomaaliya oo dawladnimadoodu ku socota dhaqaalaha qaadhaan bixiyeyaasha.
Xisbiga WADDANI waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay ka qeyb gasho shirkan dhagareed, taasi oo ay dadweynaha iyo rayul caamka Somaliland la tacajabeen, una arkeen fashil siyaasadeed oo soo wajahay siyaasadda xisbigan socod baradka ah.
Maalmihii la soo dhaafay waxa goobaha bar-kulanka bulshadda lagu qaadaa dhigayay qardo-jeexa siyaasadeed ee xisbiga WADDANI uu mar qudha ku gacan bidixeeyay shacbiga Somaliland ee kalsoonidooda ay ku noqdeen xisbiga qaran.
Waxa dadweynuhu ay ammaanayeen xisbiga UCID oo isagu soo dhaweeyay mowqifkii Madaxweynuhu ka qaatay shirkan, waxaana faaqideyaasha mawduucani ay ku doodayeen in xisbiyadda WADDANI iyo UCID ku kala waayo-aragsan yihiin miidaanka siyaasadda isla markaana qaranimadda Somaliland u kala lex-jeclo badan yihiin.
Waxa hore loo yidhi “Nin Habari dhashay Hal ma seegi waayo” sidaas darteed, waxa la gudboon Hoggaanka xisbiga WADDANI inay raali-gelin buuxda ka bixiyaan iraadada ummadda ee ay ka hor yimaadeen oo ah mid qaradiisa leh oo dadweynuhu ay laabtooda xaruuriga ku haysan doonaan isla markaana ay buuga madow u gelin doonaan Xisbiga WADDANI laf-jabka siyaasadeed iyo dhiiqada ay cagaha la galeen. Hadaba, haddii ay raali-gelin deg-deg ah ka bixin waayaan waxay noqonaysaa qaran dumisnimo xisbigaasi ummadiisa u cadaystay oo su’aal gelin doontaa kalsoonidii ummadda reer Somaliland hore u siiyeen.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com