Xukuumadda Oo Ciidan Xoog leh u Dirtay Burco, Baadhitaano Lagu Hayo Masuuliyiin Lagu Tuhmay Rabshadihii Dhacay iyo Fooxle Halkaas Gaadhay
Burco:24-Dec-2013 (SDN) –Sida ay sheegayaan Wararkii ugu dambeeyey eek a imanaya Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer, waxa Halkaasi gaadhay Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo wata Ciidamo aad u xooggan.
Taliye Fooxle ayaa halkaas geeyey Ciidan aad u tiro badan oo u badan kuwa Rabshadaha ka hortaga ee RRU-da iyo SPU-da loo yaqaano kuwaas oo la sheegay inay gaafwareegayaan suuqyada waaweyn ee Magaaladaas.
Taliyaha ayaa sidoo kale ilaa iyo xalay markii uu halkaasi gaadhay waxa uu warbixino ka dhegaystay Madaxda Booliska ee saldhigyada Burco, isagoo ciidanka amar ku siiyey inay ka hortagaan wax kasta oo ay u arkaan inay Ammaanka khalkhal gelinayso.
Warar aan la Hubin oo Burco ka Imamaya ayaa sheegaya in Taliyihii Beddelkiisa shaqaaqada ka dhacday laga saaray Dirayskii iyo agabkii kale ee ciidanka, iyadoo baadhitaanno lagu hayo tuhuno ah inuu gacan ka geystay abaabulkii rabshadihii foosha xumaa ee Magaaladaas ka dhacay shalay.
Sidoo kale waxa jira masuuliyiin kale oo iyaga qudhooda looga shakisan yahay inay soo abaabuleen Dhibaatadii dhimashada keentay eek a dhacday Burco, kuwaas oo la sheegayo in iyaga qudhooda Baadhitaano ku socdaan.
Rabshadihii shalay ka Dhacay Burco ayaa iyadu keenay Dhimasho inta la xaqiijiyey hal qof ah, waxana haatan magaalada Xaaladdeeda lagu sheegay mid deggen oo ay ciidanku faraha ku hayaan.