|

Xukuumadda Oo Ciidamo Wajiga Duuban Ku Daadisay Hareeraha Aqalka Guddoomiye Cirro Ka Deggen yahay Magaalada Hargeysa

Hargeysa:Nov,16,2014(SDN/QJ)-Ciidamo la sheegay in ujeeddo gaar ah laga leeyahay, ayaa Xalay fiidkii hore la geeyey agagaarka Aqalka uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka deggen yahay Magaalada Hargeysa, waxana wararku intaas ku darayaan in ciidamadaasi dhaqdhaqaaqyo  badan ilaa xalay samaynayeen.

booleWararka aanu helayno ayaa sheegaya in ciidanku dabagal ku hayeen cidkasta oo gelaysa am aka baxaysa Xarunta Guddoomiyuhu Deggen yahay, waxana ay sidoo kale fiiro gaar ah u lahaayeen  shakhsiyaad siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedyo iskugu jira oo siyaabo kala duwan u  tegayeyey Guriga Guddoomiyaha.

Ciidankan ayaa watay Baabuur kamid ah Kuwa ciidamada Argagixiso la dirirka, waxana ay intooda badani joogeen Waddooyinka Guriga Hareeraha ka mara oo ku hawlanaayeen cidda maraysa.

Shacabka halkaas deggen ayaa ku warhelay Ciidankan, waxana ay arrintani dadkii ku abuurtay cabsi badan iyo shaki la xidhiidha sababta ciidanka halkaas loo geeyey.

Ciidankani waxa loo arkayey qaar loogu talo galay in lagu cabsigeliyo Guddoomiyaha  iyo Asxaabtiisa, waxana saaka wararku sheegayaan in wali qaar kamid  ahi Goobaha qaarkood taagan yihiin inkastoo tiro kamid ah la qaaday.

Guddoomiye cirro ayaan isagu ilaa iyo xalay Aqalkiisa kasoo bixin, waxana uu shirar kala duwan la lahaa Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo Bulsho kale oo kamid ah kuwa  lexejeclada ka qaba qarankan, waxana lagu wadaa in dhexhdhexaadinta ay Guuridu waddaa sii socdaan Maalmahan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed