|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Garowshiiyo Ka Bixisay In Heshiiska Dekedda Berbera ay Waajib tahay In Golayaasha Sharciga la Horgeeyo

Hargeysa:April,23,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland,ayaa Markii ugu horraysay sheegtay in Maalgashi kasta oo lagu samayn doono Dekedda Berbera oo ayaamahan hadalkeedu taagnaa la horgeyn doono Golayaasha qaranka, lana marin doono sharciga waddanka.

gadhoWasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi(cali gadh-dheer)oo arrintan ka Hadlay, ayaa sheegay inay soo dhayn u hayaan xukuumad ahaan cid kasta oo maalgashanaysa Dekedda Berbera , isla-markaana uu isla arrintan madaxweynuhu ka sheegay Labada Gole Dhexdooda,  “Cid kasta oo Maalgashi caalami ah  wadda oo Dani ugu jirto Somaliland Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa ka Go’an inay soo dhaweeyaan, Madaxweynuhuna  waxa uu ka akhriyey khudbad sanadeedkiisan in shirkado maalgashi oo maalgashana dekedda berbera ay la wadaan sidii ay u maalgashan lahayeen, una kala xulanayaan sidii mid waliba ta kale uga wanaagsan tahay, dawladdana waa wax ka go’an oo way socdaan,” ayuu yidhi Cali Gadh-dheer.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa xusay inaanay fiicnayn in arrintan la buun buuniyo oo meel sare la geeyo, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Marka Heshiiskani midho dhal ku dhawaado sida sharcigu yahay la marin doono Golayaasha xaqa u leh, waxana uu yidhi,“in waxaas laga dhigto borobagaandho ama dadka lagu kiciyo oo la yidhaahdo Dekeddii Berbera waa la iibinayaa waa wax laga xishoodo, dalkuna sharci buu leeyahay oo nidaam iyo Goleyaal buu leeyahay habka saxda ahbaana la marinayaa haddii cid shisheeye shisheeye lala galayo  maalgashi golayaasha caadiga ah baa la marinayaa. Wasiirrada iyo ciddii kale ee arrintaas ku shaqo lihina madaxweynaha way us oo bandhigayaan.”

Hadalkan Wasiir Cali, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee xukuumadu ku qirtay in heshiisyada la doonayo in lagu horumariyo Dekedda Berbera ay waajib tahay in Golayaasha sharciga lasoo mariyo, waxana la filayaa in dhawaan Arrinta Maalgashiga dekedda la dardargelin doono.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed