|

Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo Ku Hawlan Qorshe Hargeysa Lagaga Daabulayo Taageerayaal Uga Codeeya Gobolka Sanaag

Hargeysa Nov 20,2012(SDN/Hubaal)- Iyaddoo Todobaad kaliya ay ka dhaheen dhamaadka Ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Somaliland oo lagu wado inay dalka Ka qabsoonto 28 bisha November ee aynu ku guda jirno ayaa la sheegayaa in Xisbiga Xaakimka KULMIYE Werwer xooggan ka qabo Gobolka Sanaag oo ururrada kale kaga taageerayaal badan yihiin, taasina ay sababi karto  in  uu Karkaarka weydaarto.

Ololaha Gobolka Sanaag oo hore loogu xilsaaray wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Najiito aan Lagu Farxin ka soo hooyay soo xulista musharraxiinta golaha deegaanka ee xisbiga KULMIYE, siddoo kale wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka mudane Maxamud Xaashi Cabdi iyo guddoomiye Muuse Biixi ayaa laga deyriyey xidhiidhkooda oo la sheegay inaanay siyaasad ahaan labada masuul isu san banaanayn balse danta xaakinku is badday.  Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md.

Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu werwer uu ka qabo Codadka Xisbiga KULMIYE Ka Helayo Gobolka Sanaag u Gudbiyay Guddoomiye ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed si uu Arrintaasi ugala Hadlo wasiir Maxamuud.

Wasiirka Duulista Hawadda oo laftiisu dareensan in xisbiga Kulmiye aanu Taageero badan ku haysan gobolka Sanaag ayaa Kulan la qaatay Mudanayaal ka Tirsan Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye kuwaasi oo kasoo jeeda Goboladda Togdheer iyo Sanaag si Taageeraal loogu Raro Musharaxiin xisbiga Kulmiye uga Sharaxan Gobolka Sanaag .

kulankani oo ahaa mid wasiirka duulista hawaddu ka dalbaday Xubnahani Shirkani Ka qayb Galay Isla Markaasna Lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa muhiimaddiisa ugu weyni ahayd siddii Taageerayaal loogu Rari Lahaa musharaxiinta xisbiga Kulmiye ugu Sharaxan ee Goboladda Sanaag iyo Saaxil .

si kastaba ha noqotee Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa werwer xoogani ka haystaa Taageeradda Xisbiga kulmiye ee Gobolka Sanaag oo uu aaminsan yahay in xisbiga Kulmiye ka dhitinayo dhinaca Goboladda Bariga Somaliland .

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed