Xukuumadda Hassan Sheikh Mohamoud: Maxay U Dayacdey Dhalinyarada DalJoogta, Maxaase Laga Siiyaa Odayaasha QurbeJoogta?
Waxaa sida aad maqasheen la soo gabagabeeyey shir ay soo qabanqaabiyeen dad si gaara ah ula shaqeeya xukuumada dalka ka talisa, oo ka dhacay dalka Turkiya. Shirkaasoo lagu martiqaaday qaar ka mida QurboJoogta Soomaaliyeed ee xulufada la ah qaban qaabiyayaasha shirkaas.
Hadii aad la socoto shirarka noocaan oo kale iyo hadii kaleba, waxaa jiray labo shir oo la mida shirkaan hada soo gabagaboobey. Midkii ugu horeeyey ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Xamar, ee dalkeena Soomaaliya, oo aan ka qoray qoraal aan ugu magacdaray ‘Ma Shir Qaran, Mise shir Qaraabaysi?’ iyo mid kale oo ka dhacay magaalada Kigali, ee dalka Rwanda. Shirarkaan ayaa qabanqaabiyaashooda iyo dadka lagu martiqaado inta badan ay yihiin dad yar oo xulufo ah, lana fikrad ah xukuumada hada jirta.
QurbeJoogta ayaa waxay isla dhexmarayaan arimo dhowr, oo ay ka mid yihiin in shirka loogu danleeyhaya sidii loo soo celin lahaa Madaxwaynihii hore: Sheikh Sharif iyo saaxiibkiis Sharif Sheikh Adan, qaarna waxay aaminsan yihiin in ay u adeegayaan faafinta fikrada DamulJadiid ay kaga soo hoorjeedaan in ay doorasho wadanka ka dhacdo sanadka 2016 [hadii uu ALLAH yiraahdo] iyo kuwo aamisan in uu dalka Turkey looga qaatey lacag, si ay ugu adeegaan danaha dalka Turkigu ka leeyahay dalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yaableh, waxa ay xukuumada hada jirta ay u diidan tahay in ay shirarka noocaan oo kale ah ay ku qabato deegaanada nabada ka jirto, sida Somaliland, Puntland, Jubbaland, KoonfurGalbeed ama GalMudug (Ximin iyo Xeeb), taas oo abuuri karta isku soo dhawaansho dadwaynaha Soomaaliyeed. Waxay kaloo hantida iyo waqtiga la geliyey QurbeJoogta inta badan aan WAR iyo WACAALBA u hayn wadanka iyo dadka Soomaaliyeed oo la tiicaaya dhibtii ay ka dhaxleen dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii 1990kii ku haboonayd in la geliyo dhaliyarada DalJoogta ee ku howlan, habeen iyo maalin, dib u dhiska dalka iyo dadkiisa.
Waxaase la yaableh war ay qortay shabakada wararka ee AFKA DOWLADA ku hadasha ee loo yaqaan ‘Radio Muqdisho’, warkaas oo lagu sheegay in dadka shirka ka qaybgalay ay dooran doonaan urur ay ku midaysan yihiin QurboJoogta Soomaaliyeed. Arintaan oo ah mid aan macquul ahayn maxaa yeelay QurbeJoogta oo dhan shirka cod kuma lahayn madaama shirka dadka lagu martiqaadey ay yihiin muxaafid taabacsan fikradaha DamulJadiidka, halka laga ilaaliyey in Mucaaradka codkooda la maqlo.
Mida kale, maxay tahay waxa xukuumada Hassan Sheikh Mohamoud aysan u rabin in waqti iyo hanta geliso dhalinyarada DalJoogta, oo ah tiirka mustaqbalka dalkeena iyo dadkiisa? Waa su’aal muhiim ah, oo aan rabo in ay dhalinta DalJoogta raadraacaan.
Waxaa kuu soo aruuurirey: Mohamed Barre – junlay “Buluf”, qoraa madax banaaan, oo wax arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee gobolka MN – junlay99@aol.com