Xukuumadda Ethiopia Oo Sheegtay inay ka Hortagtay Fallaago Hubaysan Oo Dhinaca Eretria Dhulkeeda Kasoo Gashay
Addis Ababa:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa sheegtay inay fashilisay Fallaago hubaysan oo Dawladda Eritria doonaysay inay ammaankeeda ku khalkhal geliso sida ay hadalka u dhigtay.
Warkan oo kasoo baxay dhinaca ciidamada ammaanka, ayaa sheegay in falaagadu dooneysay in si xoog ah kaga soo gudbaan xadka kala qaybiya Ismaamulka Tigreega iyo Eritrea.
Warbixinta ciidanka amaanka ayaa sheegtay in koox ka amar-qaata ‘Shacbiya’ laga dhigay wax la la laayey iyo wax gacanta lagu dhigay. Warbaixintu ma shaacin xiliga falkani dhacay.
Wadamada Eritrea iyo Itoobiya ayaa midba ka kale ku eedeeya taageerada mucaaradka ka soo horjeeda iyo khalkhalinta amanaka. Labada dal ayaa ku mursan dhul soohdinta ku yaal oo aan wali loo helin wax xal ah oo lagu maareeyo.
Taliyaha booliska Itoobiya, jenaraal Assefa abiyu, ayaa sheegay in Eritrea ay hadda ka hor isku dayday hawlgalo noocan oo kale ah bals e la fashiliyey. Waxaa uu sarkaalku intaa ku daray, in kooxaha ay Eritrea soo hubeysa ayna wajihi karin ciidmada Itoobiya.
Warka ay ciidmada amaanku sheegeen ayaa ku soo beegmay xilli wali la hadala hayo khudbad oo ra’isulwasaaraha Itoobiya ka jeediyey baarlamaanka dalkaas. Hailemaraim ayaa sheegay in xukuumadiisu talaabo walba ka qaadi doonto falalka Eritrea ku carqaladeyneyso amaanka iyo xasiloonida Itoobiya.
Dawlada Eritrea ayaan wali wax jawaab ah ka bixin sheegashada Itoobiya, laakiin waxaa looga bartay in ay iska fogeyso eedeymaha noocaas oo kale ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com