|

Xukuumadda Ethiopia Oo Faahfaahin Ka Bixisay Kooxdii ka Dambaysay Qaraxii Adis Ababa

Adis Ababa:15-2013(SDN)-Xukuumadda  Ethiopia ayaa sheegtay in labadii Qof  ee ku geeriyootay qaraxii ka dhacay  Adis Ababa ay ahaayeen Soomaali iyagu diyaarinayay qaraxa.

itoopia Wasiirka warfaafinta Ethiopia Redwan Xussein oo la hadlay wakaaladda Wararka AFP ayaa sheegay in xogta ay heleen illaa iyo hadda ay muujinayso in labada ruux ee qaraxa ku geeriyootay ay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Soomaaliya isla markaana ay iyagu diyaarinayeen qaraxa.

 

“Labadaan ruux ayaga ayaa xidh-xidhayay qaraxa waana Soomaali waxaana ay dalka kusoo galeen si sharci darro ah guri ayay ka kireysteen meel u dhaw garoonka inta aanay hawshooda qabana ayaa ku dhintay qaraxii ay diyaariyeen” ayuu yidhi Redwaan Xuseen oo ah wasiirka warfaafinta Ethiopia. waxaana uu intaa ku daray in gurigii ay daganayeen uu qaraxu haleelay.

 

Wasiirku waxaa uu sidoo kale xusay in baadhista kiiskan ay walli gacanta ku hayaan hay’adaha amaanka waxaana uu ka gaabsaday inuu cid si gaar ah eeda dusha uga saaro.

 

Ma jirto walli cid si cad u sheegatay mas’uuliyada qaraxaas Addis-Ababa ka dhacay.

 

Dawlada Ethiopia waxaa ay ka mid tahay dawladaha la dagaalama Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dhisan.

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed