|

Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay inaysan weli helin lacag ay hub kusoo iibsato.

London 09,2013(SDN)-Wasiirka wasarada difaaca Somalia ayaa sheegay in ciidamada hubaysan ee Somalia ilaa iyo hada aysan helin hal rasaas iyadoo ay jirto in la qaday xayiraadi dalka saarned..waxana uu mujiyay inaysan heysan lacagta hubkaasi ay ku soo iibsan lahayd.

Wasiirka difaaca Somalia Cabdi Xakiim Fiqhi ayaa sheegay in xukuumada cusub ee Somalia ay rajo weyn ay ka qabto taba bari iyo hubeyn ay ku sameyso ciidamo xirfado badan oo ka kooban 28-kun oo askari 3-da sano ee soo socota balse waxa uu shaca kaqaaday in ay xukuumada wajaheyso lacagihi ay arimahsi ku meel marin laheyd.

Fiqi oo ka hadlaayay machadka Royal United Services oo ah xarunta taqasusiga ee arimaha difaaca magalada London waxa uu yiri”qaadista xayirada hubka oo Somalia laga qaaday ma jiraan ilaa iyo hada hal xabo oo rasaas ah in ay xukuumada ay heshay”.

Fiqi ayaa waxa uu cadeeyay in afartii bilod ee lasoo dhaafay ay ciidamadu iska fadhiyaan iyagoo wax hub ah haysan..Shabaab ayuu shegay in ay la dagalqamayaan ay saldhigyadooda kusoo weerarayaan..wasiirka difaaca somalia waxa uu muujiyay sida ay ciidamada Somalia ay xiligaan ay u yihiin kuwo difaac ah kaliya aysan weerar aheyn waxana arintasi uu u sababeeyay shixnadaha hubka oo dowlada ku yar.

Comments are closed