|

Xukuumada Soomaaliya oo qorsheyneysa sugnaanta dhaqaalaha

Muqdisho March 24, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa kobaca dhaqaalaha iyo siyaasadda dowladda, iyadoo la waafajinayo qorshaha guud ee dowladda Soomaaliya ee dhismaha dowladnimada.

Si loo gaaro xasillooni dhaqaale, loona yareeyo saboolnimada, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaanta siin doonto horumarinta qeybaha muhiimka ah sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta magaalooyinka.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay isku xirka wasaaradaha si loo xaqiijiyo in si hufan loo hirgeliyo istiraatijiyad dhaqaale, isagoo kula dar daarmay inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo gaaro yoolka dowladda ee ah xasilloonida dhaqaale iyo horumarinta Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan barnaamijka istaraatiijiyadeed ee bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha horumarinta qaranka iyo sidoo kale qorshayaasha wasaaradaha ee horumarinta dhaqaalaha.

Comments are closed