Xukuumada Somaliland oo qaadeysa Olole Canshuur Ururin ah
Hargeysa May 24,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay Olole Canshuur ururin ah oo ay qaadeyso dhawaan.
Xukuumada ayaa baaq ay shacabka u jeedisay ku sheegtay in loo baahan yahay in Ganacsatada iyo Shacabku bixiyaan canshuuraha ku baaqday.
Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafada loogu talo galay oo uu soo saaray Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo sidan u qoraa;“Waxa wasaarada maaliyadu qaadanaysaa olole cashuureed kaas oo ka bilaabmaya dalka oo dhan laga bilaabo maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 25-05-2013.
Sidaas awgeed; waxa dadweynaha iyo ganacsatada sharafta leh ee ku dhaqan dalka Somaliland ay wasaarada maaliyadu ka codsanaysaa inay bixiyaan cashuuraha sharcigu ku jideeyay ee kala ah sidan:
1. Cashuurta macaashal macaashka ganacsiga
2. Cashuurta macaashal macaashka shaqaalaha
3. Cashuurta macaashal macaashka kirada guryaha
4. Cashuurta iibka
5. Cashuurta wado marista
6. Cashuurta kala wareejinta dhulka, guryaha iyo gaadiidka
7. Dhammaan liisamada ganacsiga, dhismayaasha, wadista gaadiidka, xawaaladaha, isgadhsiinta, macradada, diyaaradaha, NGOyada iwm. Allaa Mahad Leh”.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com