Xukuumada Somaliland,Shirkada Shaba iyo Hay’ad iskaashi ka leh Biyo gelin lagu samaynayo Boorama
Boorama 28.Dec 2013 (SDN)- Qeybo ka tirsan xaafadaha magaalada Boorama ee xarunta gobol Awdal ayaa maanta laga billaabay biyo-gelin.
Isku duwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Awdal Injineer Maxamed Cumar Dhimbiil ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid biyaha magaalada Boorama, taasoo keentay inay billaabaan biyo-gelinta.
Wuxuu tilmaamay in deegaanka Sheelaha oo 3 km dhinaca koonfur bari ka xigta magaalada Boorama ay ka qodeen laba ceel oo ay dadku isticmaalaan.
Biyo gelinta waxaa iska kaashanaya wasaaradda biyaha Somaliland, shirkadda biyaha ee gobolka Awdal ee SHABA iyo hay’ado Islaami ah.
Ku sima shirkadda biyaha SHABA ee magaalada Boorama Aadan Maxamuud ayaa sheegay in mashruuca biyo gelinta ay ku baxeyso lacag dhan 130 kun oo doollar.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com