|

Xukuumada Somaliland oo Xayiraadii ka Qaaday Duulimaadyada Diyaaradaha Q.M ee ay Hore u Xayirtay

Hargaysa 16.June (SDN) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u qaaday xayiraaddii ay hore u saartay Duulimaadada Diyaaradaha Qaramada midoobay una fasaxday inay soo fadhiisan karaan Gegooyinka Diyaaradaha ee Dalka JSL.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu kaga dhawaaqay in hawada Somaliland loo fasaxay diyaaradaha Qaramada Midoobay, halka sidoo kalena uu kaga  hadlay arimo ay ka mid yahiin maamulida hawada Somaliland iyo Somalia.

Wasiirka Duulista hawada ee Somaliland waxa uu xusay in maamulka hawooyinkaasi ay si ku meel gaadh ah qaramada midoobay gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 1993-kii, xarunta laga maamulayeyna ay ahayd Magaalada Nairobi, dhamaan dawladihii kala dambeeyey ee laga dhisay dalka aynu jaarka nahay ee Somalia-na ay ku guuldaraysteen inay la soo wareegaan maamulidda hawada.

Md Xaashi waxa uu tibaaxay in sanadkii 2011 ay Somaliland dagaal adag ka gashay isku day Xukuumadii ku meelgaadhka ahaayd ee Muqdisho ku doonaysay inay la soo wareegto maamulka hawada, dhexdhexaadintii la sameeyeyna ay caddaysay in Somaliland ay ku gar leedahay inay hawadeeda maamulato. Hase yeeshee gebagebadii la isla gaadhay in la kala doorto sadex arimood oo kala ahaa:

In maamulidda hawada dalkii la isku odhan jiray Somalia lagu wareejiyo dal sadexaad.

In loo dhiibo shirkad madaxbanaan

Iyo in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan hanaanka ay u maamulayaan hawadooda.

Wasiirku waxa uu ku dheeraaday sida ay Somaliland jawaabta adag ee aan hakashada lahayn uga bixisay Go’aankii lagu afduubayey hawada Somaliland, iyadoo talaabooyinkii ay wasaaradda duulistu qaaday ee ay ka mid ahaayeen xayiraadii duulimaadada qaramada Midoobay ay keeneen in Maamulidii Hawada Somaliland iyo Tower-adii diyaaradaha hagi jirayba la hoos keenay wasaaradda Duulista Somaliland oo sidoo kale diyaarisay Buugaagtii qorshaha duulimaadada ee Somaliland isla markaana rakibtay Radio-ga Fooniyaha ah ee ugu weyn bariga afrika kaasoo la hadli kara ilaa magaalada Qaahira ee Dalka Masar. Lana soo wareejin doono shaqaalaha reer Somaliland ee ka hawlgala xaruntii maamulida hawada ee ku taallay Nairobi marka la gaadho bilowga sanadka soo socda ee 2014.

Md Xaashi waxa uu ku tilmaamay heshiiskan cusub ee laga gaadhay maamulka hawada Somalia mid sugaya xaqa iyo xuquuqda ay leedahay oo ay maslaxad iyo dani ugu jirto labada dhinac isla markaana abuuri kara jawi lagu maamulo hawada labada dal, heshiiskaas oo dhamaystirkiisa loo saarayo guddi labada dawladood ah.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed