|

Xukuumada Somaliland oo soo Gunaanadey Dejinta Qorshaha Quudinta iyo Nafaqeynta Caruurta

Hargeysa April 23,2012(SDN)-Shir lagu daah-furayey istiraatijiyada qaran ee quudinta iyo nafaqaynta  caruurta yar-yar ,kana soo qayb galeen xubno ka kala socday wasaaradaha caafimaadka, beeraha, xanaanada xoolaha , waxbarashada iyo qarshaynta,hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah. ayaa maanta lagu soo geba gebeeyey huteel maansoor.

Waxa  xidhitaankii shirkaasi ka hadlay  Agaasimaha  quudinta iyo nafaqaynta  ee wasaarada caafimaadka axmed Jaamac Muuse , waxaanuu ka waramay  ujeedada  shirkan laga lahaa oo uu xusay inay tahay  sidii loo dejin lahaa loona samayn lahaa qorsha sanadeedkii barnaamijkan  quudinta iyo nafaqaynta caruurta.iyo sidii ay hay’ad waliba ay  u soo bandhigi lahayd doorka ay ka qaadan arinto arintaasi ee mudada sanadkan k hadhay.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in laysla qaatay oo ay cadaatay hay’ad iyo wasaarad waliba kaalinta ay qaadanayso iyo gobolka ay ka howl geli doonto, taasi oo layla qaatay ka dib markii ay wasaaada caafiumaadku ay qorshaheeda soo bandhigtay.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha  waaxda qorshaynta ee wasaaada caafimaadka khadar  maxamed Axmed .waxaanuu ka waramay qorshaha iyo istiraatijiyada  barnaamijkan quudinta iyo nafaqaynta caruurta ee sanadkan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed