|

Xukuumada Somaliland oo Shir ay ka Qeybgalkiisa ka Diiday Britain ka Ogolaatay Dahabshiil iyo Astaantii Qaran oo jeebabka lagu gurtay

Nairobi 31,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa todobaadkan ka qeybgashay shir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya oo abaabulkeeda ay gacan ku laheyd shirkada Dahabshiil.

Somaliland ayaa hore u diiday ka qeybgalka shirarka u gaarka ah Soomaaliya balse Doorkan uga qeybgashay danaha shirka ay ka leheyd shirkada Dahabshiil.

Dawladaha reer Galbeedka khaasatan Britain ayay Somaliland hore ugu kala tageen ka qeyb galka Shirarka looga hadlayo arimaha Soomaaliya u gaarka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr Maxamed Cabdulaahi Cumar Iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi Maxamuud Cabdulaahi Jaamac sifir ayaa labada iska saaray calanka Somaliland oo ay xirnaayeen shirka hortii iyo dabadiiba.

Shirkan Maalgashiga loogu baadi goobayo Soomaaliya ayaa waxa uu dibedda u soo saaray cida dhabta ah ee hageysa Siyaasadaha Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Doodaha iyo muranada siyaasadeed e ugu xasaasisan Somaliland ayaa meel uun ka soo gala danaha shirkada Dhabashiil ee xukuumada inta badan dabada ka riixdo.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland ayaa dareeno kala duwan ka bixiyay Shirkan Xukuumadu ka qeybgashay,waxaase aaney ilaa iyo haatan Bulshadu ka hadal Doorka Shirkada Dahabshiil ku laheyd abaabulka Shirka.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed