|

Xukuumada Somaliland oo Shaacisay inuu Bilaabmayo Wejigii labaad ee Wada hadalada Labada dal ee Somaliland iyo Somalia {DHAGAYSO}

Hargaysa 01.April { SDN }  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay Caawa  Qasriga Madaxtooyadda ayaa ku dhawaaqay in wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland ,ay toddobaadka soo socda Si rasmi ah markale uga furmi doonaan Dalka Turkiga isla markaana  Somaliland iyo Somaliya labaduba aqbaleen martigelintaas.

Wasiirku  oo ka Hadlaya Nuxurka Fariinta Xukuumada “Waxaan jecelahayn caawa inaan saxaafadda halkan uga cadeeyo arrin la xidhiidha wadahadaladii hore ugu bilaabmay Somaliland iyo Somaliya. Sida laga war-qabo beesha Caalamku waxay ku baaqday kal hore bishii labaad in labada Dal ee Somaliland iyo Somaliya ay wadahadlaan, oo ay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasiga ah iyo Iskaashiga labada Dal dhex mari kara ee wax wada qabsigooda, intaasi kadib labada Dal waxay Dalka Ingiriiska bishii June eek al hore ku yeesheen wadahadalkii u horeeyay ee dhex mara muddo dhawr iyo labaatan sano ah labada Dal”.

Wasiirka Arrimaha Dibadu Waxa uu  Xusay Nooca Wada hadalka labada dal u dhexeeeya isagoo Yidhi “Waxa wadahadaladaasi la isku raacay in ay labada Dal ay ku wada heshiiyaan qaabka loo wada hadalayaa inuu noqdo qaab laba geesood ah Somaliland oo dhinac ah iyo Somaliya oo dhinaca kale ah, kana wadahadlaya markaa Arrimahooda iyo mustaqbalkooda” Dr Maxamed C.laahi Cumar oo hadalkiisa sii Wata ayaa Yidhi

“Waxa taa xigay shir ka dhacay magaaladda Dubai oo labada Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore ee Somaliya ay wadahadaladaas saxeexeen Ajandayaasha iyo waxyaabaha laga wadahadlayo, iskuna raaceen labada Dali nay sii ambaqaadaana dariiqaas, arrintaasi waxaad moodaa muddo inay joogsatay sababtoo ah iyada oo Somaliya ay Dawlad cusubi muqdisho ka dhalatay, muddana u baahatay inay arrimaheeda gaarka ah ka tashato.”

Wasiirka oo ka hadlaya inay hore ula yeesheen Wax Kulan ah Dawlada Somalia ayaa Yidhi “Waxay labada Dal yeesheen xidhiidh iyo balamo ay markaas kaga wadahadlayaan sidii dib loo bilaabi lahaa, waxaan halkan doonayaa inaan ka cadeeyo in Dawladda Turkiga oo ah Dawladda la saaxiib ah Somaliland iyo Somaliya iskaashi iyo xidhiidhbana la leh labada geesood inay ku martiqaaday inay labada dal in ay dib u bilaabaan wadahadaladii hore u bilaabmay, labada geesoodna arrintaas way soo dhaweeyeen, waxaan markaa qaadanay in muddo gaaban gudahood oo laba wiig aan ka badnayn kadib ay labada dawladood ku wadahadlaan Dalka Turkiga oo ay sii ambaqaadaan arrimihii berigii hore ee wadahadalku ka furmay. Markaa waxaan jecelahay in shacabka reer Somaliland iyo beesha caalamka ee kalaba aanu sidaasi ku war-gelino, inaanu ka dal ahaan martiqaadkaas Dawladda Turkigu bixisay aanu aqbalnay oo aanu soo dhaweynay, oo aanu jecelnahay in dariiqaas hore u bilaabmay la sii wado si markaas qadiyadii Reer Somaliland ay u noqoto mid aanu ka midho dhalin karno, oo aanu himilada qarankani leeyahay ku gaadhi doono.”
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Dibada1.mp3″]
Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed