Xukuumada Somaliland oo Shaacisay in Falalka Kufsiga Haweenku ay ku soo Bateen Somaliland
Hargaysa 28.Sep 2013 (SDN)- Wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa Daboolka ka qaaday in deegaannada Somaliland uu ku soo badanayo kufsiga loo gaysanayo haweenka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay Maanta Golaha Guurtida mar uu Warbixin siinayay waxa uu Sheegay in Tusaale ahaan shalay oo kaliya ay heleen kiiska siddeed kufsi oo ka dhacay deegaannada Somaliland.
Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Xusay in haweenka la kufsaday ay ku jiraan carruur ay da’doodu ka yar tahay 10 jir, isla markaana aysan garanayn cidda ka dambaysa falalkaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa sheegay inay ku daba jiraan kuwa falalka kufsiga ah kula kaca haweenka, maxkamadna ay soo taago doonaan.
Waxaa uu kula dardaarmay dhallinyarada inay meel uga soo wada jeestaan kuwa falalka kufsiga ah kula kaco haweenka iyo carruurta.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com