|

Xukuumada Somaliland oo Raali Gelin Rasmi ah Siisay Itoobiya ka Daawo Qurbejoog

Hargaysa 13.April 2014 (SDN)- Xukuumada Somaliland ayaa Si rasmi ah uga Raali Gelisay Dawlada Itoobiya Fal Baadhis ah iyo Xogo ay ka Qaadeen Saraakiil Sare oo Sirdoonka Itoobiya ka Tirsan oo dhawaan Xili ay ka soo laabteen Maamul Goboleedka Punt land ay Ciidamo iyo Madax ka tirsan Somaliland ku Baadheen Gobolka Gebilay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay inay Xukuumad ahaan aad Uga Xun yihiin Sida loola Macaamilay Saraakiishaas Waxaanu Intaas ku ladhay inay Safiirka u Fadhiya Dawlada Itoobiya Magaalada Hargaysa ay Maalintii Shalay Farta ka saareen Qoraal ay Nuxurkiisu ahaa inay Dawlada Itoobiya ka raali geliyaan Dhacdadaas.

Hargaysa SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed