|

Xukuumada Somaliland oo Qaadacday inaan dalka laga furi karin Xafiiska Q.Midoobay ee UNSOM,Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlay {DHAGAYSO}

Hargaysa 13.June (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Cusub ee QM u qaabilsan Somaliland/Somalia Mr. Nicholas-kay Oo Socdaal ku yimid dalka isla maanta kulankan oo ahaa mid Saacado qaatay waxay Xukuumada Somaliland ku Go’aamisay inaan dalka laga furin Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo faah faahin ka bixinayay Kulankaasi ayaa Sheegay in Xukuumadu ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhinaca Horumarka u adeega ay Ogol yihiin inay kala Shaqeeyaan waxaanu Xusay in Mashaariicdaas laga Maamulo Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargaysa .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo Sharaxaya Go’aamada ay Xukuumadu ka qaadatay inaanu Xafiiska UNSOM ka shaqaynayn Somaliland iyo arrimo kaleba .

Geesta Kale Ergayga Cusub ee QM u qaabilsan Somaliland/Somalia Mr. Nicholas-kay oo Saxaafadu isku dayday inay dhinaciisa waxa ka weydiiso sida ay ula Muuqato Go’aamada Xukuumada Somaliland gaadhay ayaa si Cadho Xoogani ka Muuqato uga Weji dadbay Warbaahinta
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Go’aanadag.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

 

 

Comments are closed