|

Xukuumada Somaliland oo hab farsameysan ku amuusiiisay Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha

Hargeysa July 11,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa hab farsameysan ku amuusiisa xubnaha laga tuuro xilalka wasiirnimo ee haya xogaha ragaadiyay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Xukuumadihii hore ee Somalland soo maraya ayaa kolka xilka laga tuuro wasiir waxa dhici jirtay in xubintaasi ay soo bandhigto sababha xilka qaadis uu ku muteystay.

Sidoo kale waxa dhici jirtay in ruuxa xilka laga qaado uu soo bandhigo khaladaad xukuumadii uu ka tirsanaa ay gashay oo aaney mujtamucu ka war heyn.

Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa munaasibadii xil wareejinta waxa uu ka sheegay in aanu qarxin doonin siraha dawlada Axmed Siilaanyo.

Duur ayaa sheegay in dad badani ay sugayeen xil ka qaadistiisa ka dib in uu faafin doono xogo uu sheegay in uu hayo,balse taasi oo aan dhici doonin ayuu yiri.

Xukuumada Somaliland ayaa wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ku qancisay in aanu ka hadal sababaha xilka looga qaaday iyo fadhiidnimada xukuumada.

Xukuumada ayaa u balan qaaday Duur in aaney ka jari doonin mushaharooyinkii iyo gunooyinkii uu ka qaadan jiray xukuumada Somaliland.

Waana sababtaa ta uu Duur ula aamusay ka hadalka waxyaabihii hawsha ku adkeeyay wasaaradiisa iyo Xukuumadaba.

Wasiirada Somaliland ayaa qaata mushaharooyin $4000 oo dollar ah iyo gunooyin intaa ka badan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed