Xukuumada Somaliland oo Furaha Isgaarsiinta Soomaaliya ka doorbiday ka Jabuuti iyo Qatarha ku xeeran
Hargeysa May 16,2013(SDN)-Wasaarada Boostaha iyo Isgaarsiinta Somaliland ayaa haatan bilowday wada tashiyo ay ku eegeyso sidii looga rari lahaa Somaliland furaha Isgaarsiineed ee Soomaaliya,looguna rari lahaa ka Jabuuti.
Kulamo lagu yeeshay xarunta wasaarada Boostaha iyo Isgaarsiinta Somaliland ayaa la iskula eegay suurtogalnimada iyo hirgelinta fure Somaliland ay si gaar ah u yeelato.
Kulamada ayaa la sheegay in ay yihiin qaar Somaliland ay uga tabaabusheysaneyso in Soomaaliya ay Isgaarsiinta Somaliland u yeedhiso shuruucda Isgaarsiinta.
Sida ilo wareedyo noo xaqiijiyeen ujjeeda dhabta ah ee shirkan ayaa ah sidii Jabuuti loogu rari lahaa furaha Isgaarsiinta dalka.
Jabuuti ayaa mudo dheerba Isgaarsiinta dalka dooneysay in ay iyadu maamusho.
Dawlada Jabuuti ayaa shakhsiyaad Somaliland ku abtirsada mashruucan u isticmaalaysay mudaba.
Waxaana maalmihii u danbeeyay wadooyinka Hargeysa lagu arkayay Gawaari uu ganacsadha reer Jabuuti ee Maxamed Aw Siciid u qeybiyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Marwada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Aammina Weris.
Shirkada reer Jabuuti ee Somcable oo haatanba xuurtada ku heysata Isgaarsiinta Somaliland ayaa dooneysa in Somaliland laga hirgeliyo Furaha Jabuuti.
Masuuliyiinta Somaliland oo aad ugu dhego nugul dalabaadka reer Jabuuti ayaa haatan ka hawl galaya sidii Isgaarsiinta Somaliland gebi ahaanba loo hoos geyn lahaa Jabuuti.
Somcable oo hore xuurto loogu xiray Isgaarsiinta Somaliland ayaa haatan si sharci daro ah uga qawleysata suuqyada isgaarsiinta dalka.
Hore ayaa mar Somaliland looga hirgeliyay furaha Isgaarsiineed ee dalka Jabuuti.
Mudo gaaban iyo xurguf siyaasadeed oo u dhexeysay labada xukuumadood waxa hawadii ka baxay guud ahaan khadkii isgaarsiinta.
Waxa muuqata in sanado badan ka dib mar kale laga hawlgelayo sidii hal bacaad lagu lisay looga dhigi lahaa hantida Shacabku dhabar adeyga mudada dheer hoosta uga dhisteen iyaga oon cidna gacan uga helin.
Hadii aan laga fiirsan tilaabooyinka dhuuni raacnimada ku saleysan waxa dhici doonta in hantida ummadu aaney noqon doonin ta dib looga baadi goobo meelo fog fog.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com