|

Xukuumada Somaliland oo dalka ka saaraysa Sadex hay’adood oo ay ku eedaysay inay Siyaasada dhex galeen

Hargaysa 18.May 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Hay’adaha dalkeeda ku sugan qaar ka mid ah ka saarayso waddanka, ka dib markii ay ku eedaysay inay dhex-galeen Siyaasadda gudaha ee Somaliland, hayaanna caddaymo cadcad oo muujinayo inay arkeen Hay’adaha qaarkood oo dhex fadhiya Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland.

CABDIFATAAX-SICIID-AXMED-300x225La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan dhinaca Hay’adaha caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay in boqol iyo toddoba Hay’adood oo caalami ahi ku sugan yihiin gudaha dalka Somaliland oo aanay ku jirin Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midawga Yurub, kuwaasoo ay saddex ka mid ahi isu beddeleen Hay’ado siyaasadeed, isla markaana uu ku eedeeyey inay ka gudbeen codsiyadii ay dalka ku yimaaddeen oo aanay siyaasadi ku jirin markii hore.

La-taliye Cabdifataa Siciid Axmed oo isagoo ku sugan waddanka Kuwiet oo uu booqasho shaqo ku joogo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay inay Xukuumaddu go’aansatay inay Hay’adahaas shaqada ka joojiso, isla markaana qoraallo cadcad ka gudbinayso, maaddaama oo sida uu ku dooday inay dhex-galeen ama ku dhex-milmeen Siyaasadda gudaha ee Somaliland, gaar ahaan Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay.

Cabdifataax Siciid oo la weydiiyey Nooca ay Hay’adahaasi yihiin, magacyadooda iyo dalalka ay ka soo jeedaan oo uu ka jawaabay. Waxaa sidoo kale la weydiiyey ujeeddada socdaalka uu waddanka Kuwite ku joogo wakhtigan oo uu ku sheegay arrimo caawimooyin la xidhiidha iyo qodobbo kale.

Comments are closed