|

Xukuumada Somaliland oo Daboolka ka qaaday inaan Shidaal yaraan danbe laga caban doonin

Hargaysa 15.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal Gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Muuse Qaasim    ayaa daboolka ka qaaday in  dalka uu soo gaadhay shidaal ku filan oo waliba ah Badrool waxaanu intaa ku daray in  maanta laga bilaabo aanay dalka ka jiri doonin wax batrool yaraan ahi.

Wasiirka GanacsigaWasiirka Ganacsiga oo maanta xafiiskiisa kula hadlayay warbaahinta,ayaa intaa ku daray in aanay marnaba dalka ka dhicin in la waayo oo uu dalka ka go,naado Batroolku laakiin la tashiilayay taasoo uu sheegay in ay soo saartay in dalka baahi batrool yaraan ahi soo food saartay.

Wasiirka Ganacsiga oo arrintaa ka hadlayaana waaa uu yidhi.

“Maanta laga bilaabo wax Batrool yaraan ah oo dalka ka jiri doontaa ma jirto markabkiii ugu horreeyay ee shidaal sida gaar ahaan Batrool sidaana dalka shalay ayuu soo gaadhay,maanta ayaana laga shubay,waxaa intaa dheer in booyadihii shidaalka sugayay ee haamaha  taagnaa in la soo dhaamiyay oo iyagoo Batrool sida ay maanta u soo baxeen dhanka Hargesa.”ayuu yidhi Wsiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Geesta kale Dr Muuse Qaasim Wasiirka Ganacsiga Somaliland wax tafaasiil  ah kama bixin tallaabda ay a qaadayaan haddii uu qiimaha batroolku halkiisii hore ku soo noqon waayo isadoo ay ganacsatada Somaliland aan looga baran wax ay kor u qaadeen qiimihiisa in ay hoos u soo celiyaan marka uu kala go,a ka boxo ee dalka oo sidiisii hore u soo gaadho ama la keeno.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed