|

Xukuumada Somaliland oo Britain u Guddbisay Mawqifka Wadahadalada ay yeelanayaan Soomaalia

London June 19,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta war ay soo saartay waxa lagu sheegay mawqifka dawlada ee ku wejahan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa qoraalkaa waxa ay u gudbisay dawlada Britain,waxaanu u qornaa sidan;

“Somaliland, waxa ay si xoogan u danaynaysaa in ay aragto degaanaansho dib uga dhasha dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya. Sidaa awgeed, waxa aan soo dhaweynaynaa horumarka dhinaca saxda ah loo qaaday ee bilahan dambe halkaasi ka dhacay ee ay ka mid tahay in la soo afjaro xilliga ku meelgaadhka.
Sidoo kale waxa aan hambalyaynaynaa ciidamada AMISOM naf hurida ay sameeyeen iyo taageerada muhiimka ah ee beesha caalamka oo gacan weyn ka gaysatay.

“Soddomeeyo sano ka dib midawgii laab la kaca ahaa ee Somaliland tii Ingiriiska iyo Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray dhexmarey Julay 1960. Somaliland waxa lagu kelifay in ay dib ula soo noqoto madaxbanaanideedii 1991-kii.

Go’aankaasi kuma iman si fudud, hase yeeshee waxa uu ka dambeeyay tacadiyo iyo takoorid rajiimkii Siyaad Barre si ku talagal ah ugu gaystay dadkayaga iyo dagaal ka dhan ahaa oo sababay dhimashada 50,000 oo muwaadiniintayadii ah iyo barakaca boqolaal kun oo kale iyo burburintii caasimaddayada.

“Tan iyo markii Somaliland la soo noqotay madax banaanideeda, waxa ay ku guulaysatay in ay sugto nabadgelyada oo ay samayso dawlad dimoqraadi ah oo u adeegaysa dadkeeda. Arrimahani waxa aanu ku gaadhnay iyada oo aanu ka soo dhisnay geedi socodka xagga hoose.

Sannadkii 2001, waxa la qabtay afti taageero weyn ka heshay dadka Somaliland. Dalkayagu waxa uu ansixiyay dastuur cusub oo dib u xaqiijiyay in dhulka Jamhuuriyada Somaliland yahay dhulkii ‘Somaliland Protectorate’ kaasi oo Ingiriisku siiyay xorriyaddiisa Juun 1960.

Waxa aanu samaynay doorashooyin is daba joogay oo ay goobjoogayaashii caalamiga ah qireen in ay u dhaceen si xor iyo caddaalad ah, waxaana ka dhashey dawlado si adag gacanta ugu qabtay xorriyadda Somaliland.

“Waxa aan aaminsanahay in waayo aragnimada dhismaha nabada aan sameyney ay xiisayn karaan dadka kale, oo ay ku jiraan walaalahayaga Soomaaliya.

Sida taariikhdani dhigayso waa wax aanay Somaliland aqbali karin in nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya lagu sheegto dhulkayaga. Somaliland waxa ay si adag u diidan tahay sheegashada noocaasi ah ee dhulkayaga qaran.

Si kasta oo ay taheyba, Somaliland, waxa ay si aad ah u rajaynaysaa in ay la yeelato wada hadal wax hagaajinaya TFG ama ciddii ka dambaysa si aan u xaqiijinno xidhiidhkayaga mustaqbal iyo arrimaha ku saabsan waxyaabaha aan wada danaynayno oo ay ku jiraan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, budhcadbadeeda iyo jihaadka.

“Somaliland waxa ay u mahadnaqaysaa boqortooyada Ingiriiska, Norway iyo midawga Yurub ee aqbalay in ay wada jir u martigeliyaan wadahadalada qabsoomaya 21 Juun.

Waxa aan ku galaynaa wadahadallada niyad wanaag iyo rabitaan iskaashi ku salaysan nabadda iyo degganaansha Geeska Afrika.

Waxa aan haatan weydiisanaynaa beesha caalamka in ay aqbasho xaqiiqada ah in ay Somaliland tahay dal madaxbanaan, isla markaana wadahadalku noqdo mid u dhexeeya laba dhinac oo kala madaxbanaan oo ah Hargeysa iyo Muqdisho, kuwaasi oo taageeraya oo keliya ujeedooyinka aan wadaagno ee xoojinta nabadgelyada iyo degganaansha Geeska Afrika.

Waxa aan si aad ah kaaga mahadnaqayaa in aad gaadhsiiso warqaddan xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo xubnaha kale ee golaha amniga ee Qaramada Midoobay”.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed