|

Xukuumada Somaliland oo bilowday xardhiga dhibaneyaashii Waaheen

Hargeysa (SD)- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ee Somaliland ay goordhoweyd xabsiga u taxaabeen Hibo Faysal, oo dhawaan warbaahinta u soo bandhigtay baad laga qaado dadkii hantidoodu ku gubatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen.

Duqa Magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa la sheegay cabashada dabadeed in la qabqabtay askartii baada ka qaadeysey dadka tabaaleysan.

Ganacsade Ismail Axmed ayaa isna ka hadlay tacadiga lacagaha baad ah looga qaadyay dadkii ay ugu yabooheen kaalmada.

Hibo ayaa la sheegay in ay eeday ka hadalka dhaca lagu hayo hantidii loogu deeqay dadka tabaaleysan.
Waxaa kalo Hibo, warbaahinta ka sheegtay sidoo kale warbaahinta u sheegtay in loo baahan yahay in doorashooyinka dalka mudadoodu ku dhacdo si dhibka looga baxo.
Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa u muuqata mid ka carootay hadalka gabadhan isla markaana xabsigau taxaabay.

Comments are closed