Xukuumada Somaliland oo bilowday qabqabashada Markhaatiyaashii dacwadii Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Xamerji
Hargeysa Sept 23,2012(SDN)-Waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay qar kalena la baadi goobayaa si aaney uga markhaati furin dhegeysiga maxkamada racfaanka ee dhegeysigeeda loo balan san yahay dhawaan.
Faysal Aadan oo ahaa derewelkii hore ee taliye ku-xigenka Booliska Somaliland oo markii hore lagu waday in uu ka markhaati furo dacwadii lagu soo oogay masuuliyiinta ayaa mudo labcasho ah Hargeysa laga la’aa.
Caawana waxa la xaqiijiyay in loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa,lama shaacin sababta dhabta ah ee loo qabtay Faysal Aadan xili ay soo dhawdahay dhegeysiga maxkamada racfaanka.
Xukuumada ayaa tiroba dhawr jeer baajisay dhegeysiga maxkamada racfaanka ee masuuliyiinta u xidhan musuqa raashin mucaawino ahaa.
Dadka u kuur gala dacwadaha noocana iyo taageereyaasha masuuliyiinta xidhan ayaa shaki weyn ka muujiyay eeda iyo xukunka ku dhacay masuuliyiintan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com