Hargaysa oo uu Maanta kulan ku dhex maray Xukuumada Somaliland iyo Hay’ada UNDP iyo Ujeedada lagaga wada hadlay
Hargaysa 19.March (SDN) Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka kala socotay dawladda somaliland, deeq bixiyayaasha iyo hay’adda UNDP kuna saabsan xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinacyadan ayaa maanta lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargaysa
kulankan oo soconaya muddo hal maalin ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamadda sare wasiirada wasaaradaha Qorsheynta Qaranka, Xanaanada Xoolaha,Beeraha, ,Cadaalada iyo Hawlaha Guud iyo Wasiirul Dawlaha Wasaarada Maaliyada,Taliyaha ciidanka Booliska, Iyadoo lagu darsayay qaabka ugu habboon ee dib u eegis loogu samayn karo mashaariicdii waxqabad ee xili sanadeedkii 2012ee ay iska kaashanayeen hay’adaha qaramada midoobay oo ay ugu horayso UNDP iyo xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo Madashaasi ka hadlay ayaa Tilmaamay sida ay daruuriga u tahay in dib loo eego wixii ka hirgalay Mashaariicda ay hay’adaha Caalamiga ahi iyo Kuwa Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay in Hay’ada UNDP ay soo bandhigtay Waxqabadyadii Sannadkii Tagay ee 2012ka oo ay ku baxday adduun dhan Sideed Milyan oo dollar iyo Qorshaha Ku talo gal ee Sannadkan oo dhan afar iyo Toban Milyan.
Dhanka kalena ujeedooyinka kulankan waxaa ka mid ahaa sida loogu diyaargaroobayo mashaariicda qorshaysan sanadkan 2013 loona dardargelin lahaa, isla markaana loo samayn lahaa qiimaynta mashaariicda waxqabad ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Hay’adda UNDP.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com