|

Xukuumada Somalia oo Daahfurtay Diyaarad ay Hawlo Basaasnimo u soo Kiraysatay

Muqdisho 12.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  soo bandhigtay diyaarad la sheegay inay kormeer ku sameyneyso badda Soomaaliya, si looga hortago maraakiibta iyo doonyaha sharci darrada u gurta kheyraadka dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda, Maxamuud Coloow Barroow ayaa sheegay in wasaaradda oo kaashaneysa shirkad qaabilsan ilaalinta Kalluunka ay soo kireysay diyaaradda muddo lix bilood ah, taasoo toddobaadkiiba mar kormeer ku samayn doonta badda, si looga hortago gurashada kheyraadka Badda dalka iyo maraakiibta sunta ku shuba biyaha Soomaaliya.

 

Maxamuud Cooloow Barroow ayaa tilmaamay in diyaaraddu ay soo sawiri doonto maraakiibta iyo doomaha iyo waliba calammada ay ku safrayaan, si ay dowladdu caalamka ugu gudbiso dacwad ka dhan ah dalalka iyo shirkadaha leh maraakiibta iyo doomaha, ayna ula tiigsato sharciga.

 

Wasiirka ayaa xusay in howgalinta diyaaraddu qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee ku aadan ilaalinta kheyraadka Dalka, qorshahaana uu guul u yahay Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed