|

Xukuumada Somalia oo canbaareysay weerar ciidamo kenyaan ah lagu dilay.

Muqdisho May 27, 2013(SDN)-Ra,iisul wasaaraha xukuumada soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon :Saacid” ayaa Warsaxaafadeed uu kasoo saaray Xafiiskiisa Waxaa uu Ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku garab istaageeyso dowlada Kenya dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagaxisada ah Isagoo Si gaar ah Carabka ugu dhuftay Al-shabaab,waxana uu dowlada Kenya uga mahad celiyay doorakeeda Dagaalka Dowladu ku dooneyso in al shabaab uga adkaato ,

Hadalkaan ayuu Soo Saaray Raysal Wasaaraha Saacado uun ka dib Markii ay Soo Shaac Baxeen Wararka Sheegaya in Koox Hubeysan ay Askar Boolis kenyaan ah ku laayeen Degaanka  Damajale oo dhaca Xuduudka ay wadaagaan Labada Dalka Somalia iyo Kenya .

“Si aad ah ayaan u cambaareeyneeynaa talabadaasi ka dhanka ah dadka aan waxo galabsan iyo ciidamada booliska Kenya,ee la la dilay waxaana tacsi u direenaa qooysaskii ay dadkooda ku geeriyoodeen weerarkaasi aadbaana uga xunahay waxa dhacay”ayuu yiri ra,iisulwasaare Saacid.

Ra,iisul wasaaraha ayaa sheegay in Kenya ay door siyaasadeed oo lama iloobaan ah ka qaadatay balaarintii AMISOM taasna uu uga mahad celinayo.Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladaha gobolka ay ka mideeysanyihiin taadeeradoda ku aadan in la dhiso soomaaliya oo degan islamarkaana nabad ah.

Cabdi Faarax ayaa sheegay in Kenya ay dhibaato ka soo gaartay weeraro Soo laablaabtay,waxana uu ku celcelyay ra,iisulwasaaraha in dowladiisa ay taageereeyso Sidii Kenya ay Nabad u Noqon lahayd.Weerarka lagu qaaday ciidamada booliska Kenya ayuu tilmaamay raysal wasaarahu in ay ka muuqdaan caalamadaha Al-shabaab,Dowlada Somalia oo kaashaneysa Dowladaha la dariska ahna aysan u Dulqaada Doonin.

Mr Saacid ayaa hadalkiisa ku yiri Shaki noogama jiro in shacabka ay ka go,antahay nabad Diyaarna ay u Yihiin in Dowlada ay la shaqeeyaan mana sii jiri doonaan Tilaabooyinka Nuucaan oo kale ah ee ay Qaadayaan Kooxaha Qaswadaayaasha ah.

Comments are closed