“Xukuumada Qabyaalad ayaa Burburinaysa,Xisbi ahaana Qabyaalad ayaa Burburinaysa,Kooxda Xidigaha Geeskana..” Boobe Yuusuf Ducaale DAAWO
Hargaysa 02.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Maanta Sheegay in Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Xisbiga ay ka dhalatay ee Kulmiye ay Labadaba Burburinayaan Qabyaalada iyo Qof Jeclaysi.
Boobe Yuusuf Ducaale Waxaa kale oo uu Tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo inuu Meel mariyo Qawlkiisii ahaa inaanu rabin Wax Mudo Kordhin ah marka la gaadho dhamaadka Mudo xileedkiisa,Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku carabaabay Kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska oo Maalmihii u danbeeyay hastay dhegaha ummada kadib markii ay Barnaamijyo faneed u duubeen Telefishanka Qaranka ee Somalia iyo Universal .
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com