Xukuumada Somaliland iyo Gaadiidlayda Booyadaha oo Isla Qaatay in Wada hadal ay ka Galaan Korodhka Cashuurta laga Gadooday
Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Iyo Gaadiidlayda Booyadaha ee Caasimada Qaybo ka mid ah Gaadhsiiya Biyaha ayaa ku Heshiisiyay in Si Wada Jir ah ay uga wada Xaajoon doonaan Korodhka Cashuurta ay Cabashada ka Muujiyeen iyadoo la Isla qaatay in dib ay u hawl galaan Gaadiidka booyaduhu si adeega Biyo ay u gaadhsiiyaan Bulshada Ooman ee Caasimada .
Wasiirka Daakhiliga iyo Madax kale oo maanta tagay goobaha mudaharaadku ka socdo ee degmadda Maxamuud Haybe ee caasimadda Hargeysa ayaa dadweynaha la hadlay waxaanu sheegay in ay xukuumadda iyo Gudida Gaadiidka Booyaduhu ay Wada Hadal ka Yeelanayaan Lacagta Cashuurta ah ee lagu Kordhiyay
waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay jooojiyaan mudaharaadka iyo rabashadaha ka socday qeybo badan oo ka mid ah Magaaladda Hargeysa.
Wasiirku Wuxuu dadweynaha ka dalbaday hadalkaasi jeediyay ay mudaharaadeyaashii joojiyeen mudaharaadkii isla markaana ay u kala dareereen guryahoodii.
Geesta kalena waxa la sheegay in booyadihii caasimadu ay bilaabeen inay sameeyaan biyo dhaamiskii oo ay bilaabeen shaqadoodii ka dib saddex maalmood oo shaqo joojin ah.
Warku waxa uu intaas ku daray in Laba Qof ay ku dhaawacmeen mudaharaadyadan kuwaasi oo lagu kala dabiibayo cisbitaalka Manhal ee iyo cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com