|

Xukuumada Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshaynaysa inay sii dayso Xasan Daahir Aways

Muqdisho 18.Aug 2013 (SDN)- Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxa markii ugu horaysay xabsiga laga sii daayay mudo kooban Shiikh Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa hogaamiyashii Al-shabaab ka hor inta uusan ka soo baxsan iskuna dhiibin Beeshiisa.

29 June, 2013 ayaa la xiray Shiikh Aways oo in badan ka ku soo dhex jiry kooxo diimeedyada Somalia tan iyo burburkii.

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, masuuliyiin ka tirsan dowladda oo isku haybyihiin Aways sida wasirka arimaha gudaha Cabdikariin Guuleed ayaa ka qaybgalay kulan xalay ka dhacay guri u dhow madaxtoyada Muqdisho oo looga arinsanayay qaabkii lagu sii dayn lahaa ninkan.

Axmed Diiriye Cali oo ka mida odayaasha Beelaha Hawiye ayaa VOA-da uga warbixiyay kulankii dhacay kaasi oo uu ku tilmaamay mid aan la isku afgaran, balse loo balamay kulamo kale oo la iskugu soo dhowaynayo aragtiyada.

Warar ayaa sheegaya in Shiikh la horgeeyay warqad qodobaysan oo ka mid ahayd inuusan ka qayb qaadan karin dib danbe siyaasada Somalia iyo kuwo kale ayaa u si wayn uga biyo diiday.

Axmed Diiriye waxa uu sheegay in Xasan Daahir in ujeedkiisa ugu wayn ay tahay sidii uu dib ugu heli lahaa xoriyadiisa.

”Xasan waa nin wayn oo oday ah oo siyaasi ah, dowladuna waa dowlad” ayuu yiri Diiriye oo ka mida ahaa dadki sida wayn ugu ololaynayay in si maamuus uu ku jiro Muqdisho uga dego Xasan Daahir markii Cadaado la joogay.

Xasan Daahir Aways ehelkiisu uma aysan istaagin markii uu xasuuqa iyo dilalka ka gaysanayay Somalia balse maanta oo gacanta Dowladu uu ku jiro ayaa odayaasha dhaqanka ee beelaha Muqdisho si isku mid ah ergo ugu tagayaan Villa Somalia sidii loo sii dayn lahaa.

Beesha caalamka iyo shacabka Soomaliyeed ayaa intuba indhaha ku haya qaabka xukuumadda Xasan Shiikh ay ula dhaqanto Xasan Daahir Aways oo dad badan ku doodayaan in maxkamad danbiyada dagaal qaabilsan la horgeeyo.

Shalay ninkii ugu horeeyay oo Al-shabaab ah ayaa dil toogasho lagu filyay.

Nafsadiisa ayuu kala soo baxsaday Xasan Daahir Degmada Baraawe ka dib markii ay ku soo baxeen ciidamo ka amar qaata hogaamiyaha sare ee Al-shabaab, isagoona qayb ka ahaa soo shaac bixida khilaafka ka dhaxeeyay Al-shabaab.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed