Xukuumada Madaxwayne Hassan Sh, Mohamoud: ‘Ma Ka Seexatay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya’
Waxaan dhagaystey waraysi ay gabar Soomaaliyeed siisey Radioyaha ku hadla Afka Dowlada hada jirta ee Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud. Gabarta Soomaaliyeed ee la wareystey, ayaa waxay ka codsatey in Hassan Sheikh Mohamoud iyo xakuumadiisa ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Kenya usoo gurmadaan madaama uu isgu masuulka guud iyo mid gaar ah ka yahay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Gabadha waraysiga bixisey ayaa sheegtay in dowlada Kenya ku tiri “waxaad u xayiran tihiin safaaradiina oo laga sugayo in ay idinla soo xariirto”. Sidoo kale, waxay ka hadashey silica iyo rafaadka dadka ku jira xabisiyada sida Pangani, Xabsiga Dhexe, iyo kuwa Airoportka ku xiyiran, oo qaar ka mida ay haysataan tigadhadooda. Waxey intaa ku dartey in dadka Airoportka ku xiran ay dhan yihiin ilaa iyo 80 qofood – waxaa ka mida dadkaas oday 84 sano jir ah iyo gabar xaamila ah.
Waxaase taas ka daran, wariyihi gabarta waraysanayey – ayaa waydiiyey gabartii waxa ayada loo xiray, waxay ugu jawaabtey “waxaan ka soo qaatey waraaqd cadaynaysa in aan haysto deganaansho 5 sano ka dib markii tuugo iga xaday Passportkaygi” Ayada oo hadalkii sii wada ayey tiri “waxaa la iga qabtey Islii (EastLeigh)”. Markii la qabtey ayaa asktartii igu tiri “waxaa tihiin ari ee xarooda”. Wariyihii isagoo aan ka damqan hadalkaas, ayuu igu darey hadal aniga iila muuqday jeesjees oo ahaa “waa xarooteen”
Waxaase wax lala yaaba ah in weriyahaasi uusan magaciisa sheegin ilaa iyo intii waraysiga uu socday, kaasoo dhan ilaa iyo muda gaaraysa: 04:28. Waakan likiga ee dhagaysta, waa hadaysan ka bixin shabakada: “http://radiyomuqdisho.so/ muwaadiniin-ku-xiran-xabsi-ku- yaala-kenya-oo-dowladda-ka- codsaday-in-dib-dalkooda- loogu-soo-celiyo-dhageyso/”
Inkasta oo ay wariyaasha Radio Muqdiho xor ahayn, laakiin waxaa meel ka dhac ah sida uu wariyahaas u hadlaayey oo u muuqatey in uu hadalkiisu jeesjees ahaa, maxaa yeelay markii ay gabartii tiri meesha waxaa la noogu xareeyey sida arigii, ayuu ugu daray “maxarootey” eraygaas oo siyaabo badan loo qaadan karo madaama Soomaalidu hore u tiri “Af Soomaaligu waa margi oo kale, hadba meel u jiidma”
Marka ma laga yaabaa madaama wariyaha Radio Muqdisho uusan magaciisa sheegin, in uu waraysiga ahaa mid jeesjees ahaa? Mida kale, maxay safaarada ugu gurmanwaysey dadka hadii ay dowlada Kenya u sheegtey in ay siidaytooda ku xiran tahay Safaarada Soomaaliya u fadhida dalka Kenya? Mida kale, maxay ka damacsantahay xukuumada Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud dadka qaxootiga Kenya ee ku xiran xabsiyada Kenya? Arintaan ma arin siyaasadeed baa, oo ay dowlada rabin in ay kaalamyso qaxotiga Kenya ku sugnaa ilaa iyo intii uu dhacay dagaalkii sokeeye, ee bilowday dabayaaqadii sanadkii 1990kii?
Su’aalaas oo dhan ayaa mudan in Barlamaaka Soomaaliya iyo Afhayeenkiisa uu waydiiyo xukuumada hada jirta, waa haday yihiin barlamaan xor ah, oo aan beec ahayn.
Waxaa qoray Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee MN – junlay99@aol.com