Xukuumada Federaalka oo Heshiis la Saxeexatay Bankiga Horumarinta Islaamka
Muqdisho 12.October 2013 (SDN)- Wasaaradaha horumarinta adeegga bulshada, maaliyadda iyo Kheyraadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis 32 milyan oo doolar loogu deeqaayo Soomaaliya kula saxiixday Bankiga Horumarinta Islaamka.
Wasiirka wasaaradda horumarinta adeegga Bulshada Maryan Qaasim ayaa warbaahinta u sheegtay in deeqda ay kaalmo uu bankiga gacan uga gaysanayo horumarinta biyaha, waxbarashada iyo kaabidda dhaqaalaha Soomaaliya.
Maryan Qaasim ayaa intaas ku dartay in bankiga uu ballan-qaaday bixinta deeqda oo wax looga qabanaayo baahiyo ay u gidbiyeen oo dalka ka jira.
Wasiirka wasaaradda Kheyraadka ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in lacagta 18 milyan oo ka qayb ah loogu tala -galay in ceelal looga qodo guud ahaan Soomaaliya, 8 milyan kalana lagu horumariyo waxbarashada, halka 5 milyan kale wax looga qabanayo kaabidda dhaqaalaha dalka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com