|

Xukuumada Axmed Siilaanyo oo Ururada Siyaasada ka gaadhay Ujeedadii ay ka leheyd

Hargeysa April 26,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kolkii uu ku dhawaaqayay Furida Ururada Siyaasiga ah ka lahaa Ujeedooyin fog fog oo dhawr ah oo aaney inta badan Raga iyo Dumarka leh damaca Siyaasadeed aaney fahamsaneyn ama ay iska indho tirayeen.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxa u qorsheysnaa in uu meel mariyo qorsheyaal ay isla ogaayeen dad ay Ajaanib ku jiraan oo gacan weyn ka siiyay guushii uu xilka kula wareegay.

Qorsheyaashaas qaar waxa ay u baahnaayeen sii jeedin in lagu sameeyo indhaha mujtamica reer Somaliland ee ay dhici karto in ay ka dhiidhiyaan.

Waana arrin macruufa in umaddaha la geliyo marxalado ay ka mid yihiin Colaado,kala dir iyo indhasarcaad siyaasadeed sida furida ururada siyaasada.

Qorshaha oo ahaa mid culeyskiisa leh awgii waxa dalka la geliyay dhamaan hawlaha dusha ku xusan.

Sokeeyaha hadaan ku horeeyo Madaxweynuhu waxa uu ku talo jiray abaal marin uu siiyo qaar ka mid ah saaxiibada ay mudada wada halgamayeen,halka uu qaar kalena weligiiba jab la damacsanaa.

Labadan qoloba waa ay ka hawlgaleen Doorashadiisa,qaar ilaa io hada ma muuqato sida uu u abaalmariyay oo waa ay dahsoon tahay,halka kuwa uu jiq uga siiyay qeyladooda la joogi kari la’ayahay.

Shisheeyaha gacanta siiyay mid Qudha ayay daneynayeen oo ah in wax ka bedel lagu sameeyo siyaasada arrimaha dibedda ee Somaliland si markaa Somaliland dib loogu arko masraxyada Siyaasada ee Soomaaliya.

Shisheeyaha qaar waxa rabitaankoodu uu ku saleysan yahay gacan siinta Somaliland sidii ay uga bixi leheyd godoonka Siyaasadeed ee ay mudada ku jirtay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ma aha ruux ay haatan u muuqdaan xaaladaha qalafsan ee ka dhashay qorsheyaashiisa inta badan aaney xitaa marwadiisu ogeyn,waxase uu mudo uurka ku hayestay meel marintooda.

Dadka qaar badan oo u muuqda in ay siyaasadaha Axmed Siilaanyo wax ka ogyihiin ayaa qudhooda ah uun xijaab uu isaga mooso eedaha soo noqnoqda.

Si kastaba ha ahaatee aakhirka waxa kolka la gaadho gunta qorsheyaasha dahsoon ee Axmed Siilaanyo waxa ay dad badan oo gacan ka siiyay doorashadiisii ku keeni doontaa laalid iyo faquuq siyaasadeed oo mudo jiitami doona.

Waxa durba yeedhay dhawaaq dheer oo cataw u badan oo ka soo yeedhaya xulafadii Kulmiye,halka kuwii ka codeeyay ay iyagu ugu shan qadh yar yihiin dadka,weli arinkaa ma is weydiisay sababata Akhriste?

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed