|

Xukuumad iyo TV Raqiisa oo ku galgalanaya Sumcada Shacabka iyo ta warbaahinta

London Feb 03,2014(SDN)-Xukuumada Somaliland oo ka duuleysa goaan ku saleysan baahin warbaahin in mudo ahba ku galgalaneysay mid ka mida adeegyada dunida ugu muhiimsan ayaa waxa haatan ay sababeysaa in sumcada reer Somaliland dhulka la jiido.

Xukuumada Axmed Siilaanyo ee ka mid noqoshadeedu ay ku xiran tahay uun in cidi aaney kaa guulwadeysneyn ayaa qudheeda ceeb ku ah sheegashada dawladnimo.

Cidii daawataa daawataye Wareysi ku sheega ruuxa aaney dibnihiisuba dhaqaaqeyn ee lagu sheegay in uu yahay madaxweyne Siilaanyo ayaa dhab ahaantii ka turjumeysa musalafka curineed ee Universal iyo meel ka dhaca loo geysanayo warbaahinta.

Waxaan is weydiinay hadaanu nahay qurbejoog.com/somalidiasporanews.com in TV sheegta in uu caalemiyahay yahay hadana tayadiisu noocaa tahay.

Waxaan iyana isweydiinay bal eega xukuumadan TV-ga umadda axsaabta iyo golleyaasha Qaran ka dacaayadeyneysa ee hadana aan u dulqaadan kareyn Barnaamij cidii baahisay fashil ku ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa halkaa ka soo baxay uun in aaney cidina u tureyn sumacada Saxaafada iyo ta Shacabka reer Somaliland.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed