Xukuno ay Maxkamada Punt land ku riday eedaysanayaal lala Xidhiidhiyay Alshabaab iyo Magacyadooda
Garowe 11.Feb 2014 (SDN)-Maxkamadda Ciiddammada gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland,ayaa xukunno kala duwan oo xadhig adag ah ku riday maxaabiis ku eedaysan inay ka mid yihiin kooxda Al-Shabaab.
Maxkamadda ciiddammada Puntland -laanteeda gobolka, ayaa maanta xukunno kala duwan ku riddey 3 nin oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdifaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, waxaanu sheegay in cadeyn iyo markhaanti kaddib saddexda eedeysane lagu kala kala xukumay sidan:
1-Cabdiraxmaan Muuse Cismaan – xabsi daa’im.
2-Cabdixakiim Cabdulaahi Xundul – xadhig toban sano ah.
3-Cabdixakiim Cumar Gudduudow – xadhig shan sano ah.
Eedeysane afraad oo lagu magacaabo Aweys Buule Saadiq ayey dib Maxkamaddu xoriyaddiisa ugu soo celisey kaddib markii dembiga loo haysto wax cadeyn ah loo waayey.
Gudoomiyaha Maxkamadda, ayaa sheegay in ragga la xukumay ay haystaan muddo 30 cisho ah, xilligaas oo fursad loo siinayo in xukunka ku dhacay ay racfaan kaga qaataan.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com