Xujaydii ka Soo Kicitimay Somaliland oo Mid ka Mid ahi Ku Geeriyooday Magaalada Barakaysan ee Makka kadib Markuu Gaadhi Jiidhay
Jidda 03.Oct 2014 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahin Nuur Geelle oo ka mid ahaa Xujaajta Somaliland ka tegtay sannadkan, ayaa Shil Baabuur oo ka dhacay magaalada Makkah ee dalka Sucuudiga ku geeriyooday.
Shilkan ayaa yimi ka dib markii Baabuur Arbacadii isagoo ka soo baxay Masaajid uu ku tukanayay oo ku yaalla Magaalada Barakaysan ee Maka uu jiidhay Gaadhigu, sida ay caddeeyeen Ehelada Marxuumku.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka ee Dalka Sucuudiga iyo laamaha kale ee Dawladda u qaabilsan arrimaha xajka oo la xidhiidha geerida Marxuumkan u dhashay Somaliland ee Gaadhigu jiidhay. Balse Suldaan Maxamed Cabdilaahi oo ka mid Ehelada Marxuumka, ayaa Gobanimonews oo aannu warkan ka soo xigannay u xaqiijiyay Dhimashada Marxuumkaas.
Faahfaahin dheeraad ah lagama helin sababta dhalisay shilka, waxayse ehelada marxuumku intaas ku dareen in lagu aasi doono isla dalka Sucuudiga, inkasta oo aanay si rasmiya u cadeynin.
ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Ibraahin, ayaa ka mid ahaa dadka ka soo xajay Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco. Marxuumka, ayaa ka mid ahaa waxgaradka Gobolka togdheer, gaar ahaan deegaamada Galbeedka oo aad looga yaqaanay.
Jidda SDN/QJ