|

Xubno Wasiiro ah oo u Kicitimay Kenya oo ay Qaadhaan bixiyeyaasha kulan kula leeyihiin iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo ka hadlay {DHAGAYSO}

Hargaysa 09.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo uu Weheliyo Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa maanta u kicitimay Wadanka Kenya oo ay Shir kula leeyihiin Qaadhaan bixiyeyaasha .

Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Warbaahinta ugu Warmayay Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal ayaa Sheegay in Shirkani daba Socdo Mid ka horeeyay oo dhawaan lagu qabtay Magaalada Hargaysa isla markaana ay ka wada xaajoon doonaan laba qodob oo ku saabsan Maamulka Miisaaniyada iyo dabaqaada Mashruuca New Deal,si loogu sar jaro baahiyaha Somaliland.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadalkii Wasiirka Qorshaynta Qaranka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiiroKenya09.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed