Xubno Wasiiro ah oo Socdaal Maanta ku tagay degmada Sallaxley iyo Ujeedada uu la xidhiidho
Sallaxley 30.Aug 2013 (SDN)- Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse,Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul dawlaha wasaarada Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees ayaa maanta Socdaal ku tagay Magaalada Sallaxley.
Wasiirada oo ay Weheliyaan Xildhibaan Cabdi raxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan Golaha Wakiilada,Gudida dhismaha wadada cad,iyo Hablo Qurbejooga deegaanka degmada Sallaxley isla markaana Cisbitaal Cusub oo dhismihiisa dhamaaday ka hirgaliyay Magaalada Sallaxley ayaa waxaa bulshada ku nool degmada Sallaxley la hadlay Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Warfaafinta .
Wasiirka arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay farxad gaar ah u tahay imaatinkiissa Degmada Sallaxley oo uu xusay inuu Wakhti Noloshiisa ka mid ah ku qaatay isla markaana uu ahaa Macallimiintii u horaysay ee wax ka dhigi jiray Dugsiga Sallaxley Markii la furay .
Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxa uu intaas ku daray in Horumarku uu yimaado Iskaashi ay Wada Jir u Sameeyaan qaybaha Bulshada iyo Dawladu .
Wasiirka wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa dhiniciisa ku Guubaabiyay Shacabka u dhashay degmadaas inay ka shaqeeyaan horumarinta degmadooda si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan deegaamada kala duwan ee dalka Wasiiradu waxay amaan u soo jeediyeen hablaha qurbejooga ah ee hirgaliyay Cisbitaalkaas oo dhawaan Shaqadiisa bilaabi doona .
Xubnahan ka tirsan Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay Kormeer ku soo mareen wadada Cad oo dhismaheedu marayo Deegaanka Qool caday .
Sallaxley SDN.