Xubno Ka Tirsan Qoyska Boqortooyada Sucuudiga Oo Faransiiska Dhexdiida Lagaga Dhacay Lacag Gaadhaysa $335.000-Dollar
Paris:Aug,19,2014(SDN/QJ)-Gawaadhi gelibinaysay Xubno ka tirsan Qoyska Boqortooyada sucuudiga, ayaa dhac xooggan loogu geystay Gudaha dalka Faransiiska.
Shufto Budhcad ah oo si aad ah u hubeysan ayaa qafaashay gaadiidkii waday qoyska kasoo jeeda Boqortooyada Sucuudiga oo laga dhacay lacag gaadheysa $335.000 (sadex boqol iyo sodon iyo shan kun oo dollar) iyo waliba qoraalo xasaasi ah.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Porte de la Chapelle ee waqooyiga Paris xili ay Qoyskan kusii jeedeen Airporka Le Bourget habeenimadii Axada.
Booliiska ayaa sheegay in la afduubay baabuur kamid ah 10 gaadiid ah oo galbinayey qoyskan, waxaana baabuurkaasi Marcedeska ah saarnaa sadex qof. Budhcada ayaa la sheegay in ay wateen laba gaadhi oo ah nooca BMW.
Baabuurkii la afduubay iyo gaadiidkii budhcada wadatay ayaa mar danbe laga helay tuulada Saint-Mesmes oo ku taal waqooyi bari magaalada Paris. Kooxda burcada ah ayaa hore usii gubay gaadiidka inta aanay baxsan iyagoo siidaayey sadexdii qof oo ay qafaasheen.
Xubno kamid ah qoyska Boqortooyada Sucuudiga ee dhaca loo geystay ayaa sheegay in lacagta laga dhacay ay kaga daran tahay Waraaqo iyo dokumentiyo xasaasi ah oo ay budhcada hore usii qaateen.
Kooxda falkan geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen budhcad si aad ah u hubeysan oo xog dhameystiran ka heystay dhaq dhaqaaqa qoyska boqortooyada Sucuudiga ee dalxiiska u tagay dalkaasi Faransiiska.
SDN/QJ