Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland oo ka Qayb galay Munaasibad Shahaadooyin lagu Gudoonsiinayay Arday dhamaystay Xirfadaha Aasaasiga ah
Hargaysa 20.Jan.(SDN)
Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada ,iyo Kalluumaysiga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa maanta ka qayb galay munaasibad loo sameeyay arday ka baxday qaybta tababarka Xirfadaha ee hay’ada Wadaniga ah ee Havayoko.
Madaxa Mashruuca tababarada ee Havayoko Jimcaale Yuusuf ayaa Sheegay in Mashruucan ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada ku nool Gobolada Awdal iyo Maroodi jeex,Kuwaas oo ay Tiradoodu tahay Sida uu Xusay laba boqol iyo Toban arday,Mas’uulkani Waxa uu intaas ku daray in hay’ad ahaan ay u sameeyaan goobo ganacsi yar yar ay ka furtaan iyo kuwo ay si buuxda ugu dhamaystiraan Shaqo abuuris .
Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada Mudane Cali Siciid Raygal,Kalluumaysiga C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cali Xaamud Jibriil oo Madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay xirfadaha aasaasiga ahi ka qaataan horumarka iyo Shaqo abuurka ,Waxay Wasiiradu cadeeyeen in Xukuumada ay ka tirsan yihiin dadaal Weyn ugu jirto sidii dhalinyarada dalka loogu abuuri lahaa fursado shaqo oo ay noloshooda ku Maareeyaan .
Xubnahan ka tirsan Golaha Wasiiradu waxay ku booriyeen hay’ada Wadaniga ah ee Hava yoko inay halkaas ka sii wado hawl galadeeda ku aadan aqoonta ay dhalinyarada u fidinayso,Iyagoo guud ahaan ku guubaabiyay guud ahaan da’a yarta Somaliland Sidii ay uga fogaan lahaayeen Qabyaalada iyo Tahriibka .
Gabo gabadiina Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil ayaa halkaasi ku gudoonsiiyay Shahaadooyinkii ardaydii baratay Xirfadaha aasaasiga ah.
Hargaysa SDN.