|

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamanka oo caawa gaadhay magaalada Saylac.

Hargaysa 27 Dec.(SDN) Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland Mudane C.risaaq Cali Cismaan iyo Wefti uu hogaaminayo oo ka kooban Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cali Xaamud Jibriil iyo Shan Xildhaab oo ka tirsan Golaha Guurtida iyo Wakiilada ayaa Caawa gaadhay Magaalada Saylac .

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan Magaalada Saylac ayaa ujeedada Safarkooda ku sheegay mid la xidhiidha xog ogaal u noqoshada xaalada dadka iyo duunyada .

Wasiir xigeenka oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan inay qayb ka qaadan doonaan xal u helida xaalada Murugsan ee ka dhex taagan Golaha Deegaanka ee Magaalada Saylac,oo Toban Xildhibaan oo ka mid ah Todoba iyo Mudane ee golaha deegaanka saylac ka kooban yahay fadhi ay yeesheen ku doorteen Maayar iyo Maayar xigeen ka soo jeeda hal beel ayaa cadeeyay inay u hawl gali doonaan sidii ay u walaalayn lahaayeen mudanayaasha Golaha deegaanka ee ku soo baxay doorashadii dabayaaqadii bishii hore ka qabsoontay dalka isla markaana ay u qaban doonaan fadhi loo dhan yahay,si wada hadal loogu dhameeyo ayuu yidhi Wixii Xurguf ah ee la kala tirsanayo .

Wasiir Xigeenka Waxbarashadu waxa uu intaas ku daray inay Kulamo la qaadan doonaan Maamulka Gobolka,iyo Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Salal.

Wasiir Xigeenka Waxbarasahada Mudane Cali Xaamud waxaa kale oo uu Sheegay inay beri oo Jimce ah Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ay yeelan doonaan fadhi wada jir ah isla markaana ku dooran doonaan Hogaan ay u dhan yihiin,Isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay in loo soo diray sidii ay Mudanayaasha Tobanka xubnood ka kooban ee is doortay ay  cadaadis u saari lahaayeen ,waxaanu ku dooday inaanay faro galin ku samayn doonin Golaha deegaanka oo ku soo baxay Codka dadweynaha.

Safarkan ay Xubnaha ka tirsan Xukuumada iyo Baarlamanku ku gaadheen Magaalada Saylac ayaa ku soo beegmay Xili ay Xaraarada Siyaasadeed ee Magaaladaasi ay Kacsan tahay  kadib markii Tabasho ka dhalatay habkii loo maamulay doorashadii golaha deegaanka iyadoo sii laba kaclaysay markii ay Toban Mudane oo ku soo baxay doorashadaasi oo ka soo jeeda gobolka awdal ay iska dhex doorteen maayar iyo ku xigeen.

Ilaa hada Ma cada in Xubnaha weftigani ay wax la taaban karo ka qabtaan Muranka ka taagan degmada Saylac .

Hargaysa SDN

Comments are closed