Xubno ka Mid ah Wasiiradii Cusbaa ee Xukuumada Siilaanyo oo Xilalkii la Wareegay
Hargaysa 02.July (SDN) Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Hawlaha Guud Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta si rasmi ah xilalkii wasaaradahaasi ugala wareegay Wasiiradii hore ee wasaaradahaasi.
Munaasabado wadajir ah oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ayna soo xaadireen tobaneeyo xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada iyo tiro kale oo agaasimayaal guud ah ayaa Agaasimaha ganacsiga ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md Aadan Cilmi Axmed (A .Dhagax) waxa uu sharaxay qaab dhismeedka wasaaradda ganacsiga iyo waajibaadka ay ugu xilsaaran tahay Qaranka isagoo sheegay inay wasaaraddu ka kooban tahay waaxda ganacsiga, waaxda maamulka iyo lacagta iyo waaxda qorsheynta.
Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Md Cabdirisaaq Khaliif axmed oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ganacsigu tahay wasaarad weyn, isla markaana ay ka hawlgalaan shaqaale wanaagsan, mudadii uu xilka wasaaradda hayeyna uu awoodda saaray dhinaca shuruucda ganacsiga iyo maalgashiga waxana uu wasaaradda ku soo dhoweeyey wasiirka cusub Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isna hadal uu halkaa ka jeediyey ku caddeeyey in uu aad ugu faraxsan yahay inuu manta la wareego hay’ad qaran oo mas’uuliyad balaadhan leh, waxana uu sheegay wasiirku in shaqada ay wasaaradani u xilsaaran tahay ay tahay arimaha qabyada inaga ah maadaama aynu ku talo jirno in shaqooyin la abuuro dhaqaalahana la kobciyo.
Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga guud Dr maxamed cabdilaahi Cumar waxa uu ballanqaaday in uu qorshahiisa koobaad ka dhiganayo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo fududaynta maalgashiga shisheeye ee uu dalku u baahan yahay.
Dhanka kalena wasiirka Cusub ee wasaaradda hawlaha guud Md C/risaaq khaliif Axmed ayaa si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay wasiirkii hore Md Axmed Cabdi Maxamuud Xaabsade.
Md xaabsade waxa uu si faahfaahsan u sharaxay qaab dhismeedka wasaaradda hawlaha guud oo uu ku tilmaamay inay ka kooban tahay Todoba waaxood iyo labo hay’adood oo kala ah hay’adaha Korontoda ee caasimadda iyo ta magaalada Berbera, isla markaana ay wasaaradani tahay mid ka wada balaadhan hay’adaha kale sidoo kalena ka dhibaato badan maadaama ay wasaaraddu mas’uul ka tahay Dhulka dawladda.
Wasiirka cusub ee wasaaradaasi Md C/risaaq Khaliif axmed ayaa isna ka codsaday shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta wasaaradda inay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen wasiirkii ka horeeyey.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com