|

Xubno ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta gaadhay caasimadda Somalia

Muqdisho 15, April 2012 (Qurbejoog.com)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaadhay wefti ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan xubno ka tirsan waddamada Faransiiska iyo Jarmalka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray afhayeenka dawladdda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Mr. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), dalalkan waxa kala metelayay Mr Frederic Jung iyo Stephen Russell oo ay weheliyeen xubno ka kala socday safaaradaha Faransiiska iyo Jarmalka ee Nairobi iyo xubno ka socday UNPOS.

Wafdigan heerka sare waxaa soo dhaweeyey oo shir dheer la yeeshay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr Ali Nur H. Duale, Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud & Guryeynta Hareed, La Taliye Sare ee RW ahna Afhayeenka Dowladda Eng. Yarisow, Kaaliyaha RW Abdifatah, iyo Agaasimaha Yurub iyo US ee W. Arrimaha Dibedda Abdi Dahir.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen horumarka baaxada leh ee laga sameeyey amniga, xiriirka Dowladda iyo maamulada, dastuurka iyo soo afjaridda xilliga Kala guurka ah. Wasiiru Dowlaha ayaa wafdiga uga mahadceliyey booqashadoodu oo uu sheegay in Muqdisho ay maanta xasilan tahay horumar ballaaran oo xaga ganacsiga uu ka muuqdo. Wafdiga waxaa la siiyey warbixin dhameystiran oo taabaneysey dhan walba loons sheegay in Ra’iisul Wasaarahu uu mudnaanta siiyey oo ay ka go’antahay sidii loo soo afjari lahaa xilliga Kala guurka ah oo aan la aqbalo doonin muddo kororsi. Arrimaha aadka looga hadlay loogana jawaabay su’aalihii ay qabeen wafdiga ayaa ahaa Roadmap ka, dastuurka oo meel fiican maraya, soo xulidda Madax Dhaqameedka, Ergada Ansixinta Dastuurka, iyo baarlamaanka cusub, qorshaha xasilinta deegaanada cusub ee laga xorreeyo Al-Shabaab, iyo arrimaha burcad-badeedda. Mas’uuliyiinta Dowladdu waxey sheegeen in caalamka looga baahan yahay inay soo dedejiyaan dhaqaalihii lagu fulin lahaa howlaha baaxadda leh ee na hoyaala iyo sidii wax looga qaban lahaa shaqsiyaadka iyo kooxaha caqabad ku noqda soo afjaridda xilliga Kala guurka ah.

Wafdiga ayaa aad ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta Dowladda sidii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey iyo faahfaahinta laga seeyey arrimihii ay daneynayeen. Waxeyna sheegeen inay warbixin dhameystiran u gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee QM.

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed