Xubno ka Mid ah Fannaaniintii Xidigaha Geeska ee Doolaalada Muqdisho u Tagay oo Ku Xidhan Madaarka Hargaysa
Hargaysa 08.April 2014 (SDN)- Waxa Madaarka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargaysa Goor Dhawayd Lagu Xidhay Guddoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Iyo Fanaanada Ikraan Jaamac Ismaaciil Oo In Muddo Ah Ku Maqnaa Magaalada Muqdisho.
Guddoomiayaha Kooxda Xidigaha Geeska Ayaa Sheegay In Wixii Ugu Horeeyey Ee La Waydiiyey Lagana Dalbaday Ay Noqotay In Uu Soo Saaro Saaro Baasaboorka Soomaaliya Kaas Oo Aan Laga Ogolayn In Lala Soo Galo Gudaha Somaliland .
Ilaa Hadda Ma Cada In Labadan Fanaan La Siin Hayn Doono In Xoriyadooda Loo Soo Celin Doono.
Dhawr Maalmood Ka Hor Ayaa Ay Ahayd Markii Fanaanada Ifraax Hargaysa Sidan Oo Kale Loogu Qabtay Madaarka Hargaysa Iyadoo Markaasi U Sii Jeeday Dhinaca Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Qaar Ka Mid Ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska Aya Maalmihii Ugu Dambeeyey Ku Sugnaa Magaalada Muqdisho Iyadoo Wali Aanay Cadayn U Jeedka Dhabta Ah Ee Ay Halkaasi U Tageen.
Dhinaca Kale Waxaa Madaarka Goob yaalaya Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo uu la dhashay Laabsaalax waxaanu Ciidanka ku amray inay Xoriyadiisa u soo celiyaan Wiilka la Dhashay hasa Yeeshee Ciidanka Waaxda Socdaalka iyo kuwa Booliska ayaa ka dhego adaygay awaamiirtiisa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com