Xubno Cusub Oo Kamid ah Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ku Hawllan Iscasilaad Iyo Ladqabayntooda Oo La Dareemayo
Hargeysa:March,04,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhaya qurbejoog.com, waxa jira xubno kamid ah Golaha Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo oo ku Hawllan inay iska casilaan Xilalka ay Haatan hayaan.
Xubnaha la filayo inay iscasilaan ayaa waxa kamid ah Wasiirrada Wasaaaradaha Ganacsiga, Ciyaaraha iyo Waliba Xannaanada Xoolaha oo isagu warkiisu hore usoo baxay.
Xogaha aanu Hayno, ayaa sheegaya in xubnaha haatan ku Hawllan iscasilaaddu ay yihiin qaar Wasiir Samaale Saaxiib la ah, waxana intooda badan dabada ka riixaya Saaxiibtinimo dheer oo uu la leeyahay Xubnahaas.
Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim, ayaa la ogyahay inuu ku jiro isbahaysiga uu hoggaamiyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxana sidoo kale looga faa’iidaysanayaa in la riixo Wasiirrada kale ee aan saaxiibadooda kamidka ahayn, balse saluugsan xilalka dhawaan loo magacaabay.
Shirar hoose ayaa ilaa shalay iyo xalay si hoose ugu socday Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirradii iscasilay ee Samaale iyo Abiib Timacad, waxana sidoo kale ay sugayaan Wasiir Cabdi Aw Daahir oo lagu hanweyn yahay inuu iscasili doono.
Sidoo kale waxa jira Cadaadis dhinaca Beesha ah oo haysta Wasiir Cabdi Aw Daahir, iyadoo loosoo jeedinayo inaanu aqbalin inuu xilkaas aqbalo, maadaama loo arkayo inuu ka hooseeyo midkii uu hore u hayey.
Wasiirka Ciyaaraha dhawaan loo magacaabay Axmed Cabdi Kaahin oo dhawaan xilkaas loo magacaabay, ayaa la sheegayaa inuu xilkaas saluugsan yahay, waxana la arkay isagoo goobo qarsoodi ah kula sugan Wasiirrada ka dareeray xukuumaddan Haatan cadaadisku haysto.
Ma aha oo kaliya Xubnaha iscasilaadda laga filayaa Wasiirrada oo kaliya, balse waxa jira Xubno kale oo wasiir-ku-xigeenno ah, kuwaas oo ku hawllan sidii ay xilalkaas iskaga casili lahaayeen, iyadoo dhibaatada ugu weyn ee haysataana ay tahay cadaadis dhinaca Reeraha ah oo haysta.
Shalay ayey ahayd markii uu wasiirkii labaad ku dhawaaqo inuu iscasilay, waxana haatan madaxtooyada dhexdeeda laga dareemayaa iskudayo ladqabayn ah oo xubnaha golaha Wasiirrada iyo xildhibaanadu isku dayayaan inay hakiyaan xubnaha doonaya inay xilalka ka tagaan, waxana aan jirin wax natiijo ah oo wali soo baxday.
Ladqabaynta ayaa waxaan ka maqnayn xubnaha wasiirrada ah eek u sugan Turkiga oo iyagu soo socda, waxana jira telefoono aan kala Go’ lahayn oo ay usoo dirayaan xubnaha looga baqayo inay iscasilaan.
Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista Hawada, ayaa kamid ah Xubnaha ku hawllan Ladqabada ugu badan, maadaama ay yihiin ragga dheefta ugu badan ka hela xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo haatan u muuqata mid dayaxeedii sii dhacayo.
Lama garankaro natiijada ka dhalankarta Iscasilaadahan isdaba joogga ah eek a dhex dillaacay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo eedda ugu weyni tahay inaanay taladii dalku gacanta ugu jirin madaxweynaha.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com