Xubnihii Ka Dhinnaa Golaha Wasiirrada Maamulka K/Galbeed Oo Lasoo Dhamaystiray Iyo Madoobe Nuunow Oo Lagu Soo Daray
Baydhabo:March,04,2015(SDN/QJ)-Ugu dambayntii waxa uu Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan soo dhamaytiray Liiska Golihiisa wasiirrada oo hore uu qayb kamid ah u magacaabay.
Munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo, ayuu Madaxweynuhu ku soo magacaabay 5 Wasiiro, 6 Wasiiru Dowlayaal iyo 29 Wasiiro Ku Xigeeno ah oo ku biiri doono xubno hore iyagu u ahaa wasiirro iyo ku-xigeenno, waxana si ramsi ah haatan u dhamaystirmay Xukuumaddii Maamulkaas.
Madaxweynaha, ayaa hore u soo magacaabay 24 Wasiiro. 5-ta Wasiiro ee shalay uu soo magacaabay waxay ka dhigeysaa 29 Wasiir.
Wasiirada la magacaabay, ayaa waxaa ku jira Madoobe Nuunow Maxamed, oo loo magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyadoo uu isagu ahaa madaxweynihii maamulkii lixda Gobol Somalia oo kasoo horjeeday kan haatan jira.
Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dhaariyay Guriga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xafladda magacaabista lagu qabtay, isagoona soo dhaweeyay jegada loo magacaabay.
Nuunow, ayaa si weyn kaga horjeeday in Maamulka Koonfur Galbeed ee Saddexda Gobol laga hirgeliyo Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
SDN/QJ